Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa ku hanjabtay iney la dagaallami doonto ciddii isku dayda iney ka hor-istaagto damaceeda gurracan ee ku aaddan sidii ay bad ku heli heleed.
Birhanu Jula oo ah taliyaha ugu sarreeya ciidanka Xabashida Itoobiya ayaa arbacadii lasoo dhaafay Guddiga Joogtada ah ee Xiriirka Dibadda ee Baarlamaanka Itoobiya ka hor sheegay in uu socdo dedaal aan kala go’ lahayn oo la doonayo in lagu xaqiijinayo marinka Badda ee Itoobiya.
Waxa uu sheegay Jula in ay diyaariyeen ciidamada Badda, kuwaas oo lagu aasaasay ayuu yiri qorshe ku talo-gal ah oo qeyb libaax kaga jira dedaalladaasi, isagoo ku hanjabay inay dagaal adag la gali doonaan cid waliba oo isku dayda in Itoobiya ay ka hos-istaagto damaceeda bad-boobka ah.
Behanu Jula waxa uu ka dhawaajiyay in Itoobiya ay hadda yeelatay ciidan badeed, isla markaana ay si adag uga hor-tagi doonaan dadka kasoo horjeeda ayuu yiri in Itoobiya ay Bad yeelato.
Isagoo sii hadlayay ayuu tilmaamay, in ciidanka millatariga Itoobiya ay hadda u diyaarsan yihiin sidii ay urumeyn lahaayeen rajada ay ku taamayaan dadka Xabashida ah, taas oo ah iney bad helaan.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir Channels-kan cusub: