SAWIRRO: Maxaa ka soo kordhay xiisadda Iiraan iyo Yuhuudda?

Saturday June 14, 2025 - 11:43:28
Liibaan Jeexoow
Waxa maalintii labaad galey weerrarada aan foolka-foolka ahayn ee u dhexeeya Shiicada Iiraan iyo Sahyuuniyiinta Yuhuudda.
Weerar habeennimadii ina dhaaftey Yuhuuddu ka geysteen caasimadda Tahraan ayaa sahayday saraakiisha ugu sarreysa Iiraan.

Weerraradii Tahraan ku dhacay ka dib waxa ay Iiraan kaga jawaabtey diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalo balaastiko ah kuwaas oo si sarreysa u burburiyey dhismayaal ku yaalla caasimadda Yuhuudda.

Yuhuuddu ayaa qirtey dhimasho 3 qof ah iyo dhaawaca 172 laba ruux ka dib duqaymihii aan hore loo arag ee xalay lagu garaacay bartamaha maamulka Yuhuudda.

Balse waxa la aamminsan yahay in ugu yaraan dhimashada Yuhuuddu ay gaareyso 100 ruux.

Warbaahinta Yuhuudda ayaa geesta kale faafisay in aan muwaadiniinteedu baahin karin khaasaraha ay geysteen gantaalaha Iiraan dhismayaasha Israel.

Sida Al Jazeera tabisay sarkaal Mareykan ah ayaa tibaaxay in weerrarada dhinacyadu ay socon karaan ilaa hal toddobaad.

Dhanka kale Wakaaladda Wararka ee Faaris waxa ay xustay in dagaalku sii kululaan doono maalmaha soo socda iyada oo xiganaysa saraakiisha Iiraan.

Afhayeen ku hadlayey magaca Ciidanka Iiraan ayaa sheegay in ay diyaarinayaan ilaa 2000 oo gantaal oo ay ku garaaci doonaan Israel.

Tan ayaa ka dhigan in Iiraan aad u kordhisay weerrarada ay ku waddo Yahuudda, isla markaana lasoo bandhigay sawirrada qaybo ka mida khasaaraha gaaray Yahuudda, sida aanu hoos idinkula wadaagnay.

Falanqeeyayaasha ayaa ku warramaya in Iiraan juquraafi ahaan halka ay ku taallaa uu waxbadan ka beddeli karo dagaalka isla markaana aaney noqon karin sida Israel iyo xulafadeeda Reergalbeedku u fekerayaan.

Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir Channels-kan cusub:

Related Items

Update cookies preferences