Maxaad ka ogtahay laba-kaclaynta MoU-gii Itoobiya iyo Somaliland?

Wednesday June 11, 2025 - 16:57:39
Liibaan Jeexoow
Sannadkii ina dhaafey bilowgiisii waxa heshiis siyaasadeed oo gilgiley Geeska Afrika wada saxiixday Madaxweynihii hore ee maamulka isku magacaabey Somaliland kaas oo ujeeddadiisa lagu sheegay isdhaafsi dano siyaasadeed oo ka dhexeeya Abiy Axmed iyo Muuse Biixi oo midba kan kale waxgaar ah ka rabay.
Hargeysa waxa ay sheegtay in ay heshiiska u gashey maaddaama oo Itoobiya sheegtay in ay aqoonsi siin doonto. Halka Itoobiya ay danteedu tahay sidii ay u heli lahayd bad taas oo ay faqri ka ahayd illaa xilligii Asmara goonni u go’day.

Reysal Wasaaraha Itoobiya intii aanu MoU-ga la saxiixan Muuse Biixi waxa uu Baarlamaanka Itoobiya ka hor sheegay in ay baahi weyn u qabaan marin badeed maaddaama oo dadka Itoobiya kor u dhaafeen 100milyan.

Abiy waxa uu intaa ku daray xilligaas in ay xoog, xeelad ama wax isdhaafsi kolba kii ay suurogal tahay in ay u mari doonaan damacooda.

Muuse Biixi heshiiska uu la soo galey Abiy keliya waxa laga sheegay in Itoobiya la siin doono marin badeed iyo dhowr mayl oo dhul ah kaas oo noqon doona soone iyaga u xiran, heshiiska ayaanay muddadiisu noqon doontaa 50sano oo kiro ah.

Faahfaahin badan Xukuumaddii Muuse Biixi ee Kulmiye kama ay bixin sidii caadadu ahaan jirteyna ma ay horgeyn Golaha Wakiillada ee maamulkaas. Somaliland waxa sidan oo kale ay heshiis la gashey Shirkadda DP World taas oo ay Baarlamaankeeda horgeysay lagana ansixiyey.

Heshiiskan madmadowga badan keenay mar wax laga waydiiyey axsaabta siyaasadeed ee Somaliland gaar ahaan Cirro oo ahaa siyaasiga ugu cadcaddaa waxa uu sheegay in aanu taa waxba ka ogeyn Muusena waxba uga sheegin.

Dhanka Dowladda Federaalka oo dedaal dheer u gashay sidii ay usoo afjari lahayd heshiiskaas ayaa hadallo kul-kulul oo aan looga baran saxaafadda u marisay Addis Ababa.

Dhanka Jabbuuti oo aan heshiiska raalli ka ahayn waxa ay Itoobiya u soo bandhigtey dekedda Tajoora oo masaafo yar u jirta Itoobiya laakiin taa Xukuumadda Addis Ababa jawaab kama bixin.

Intaa ka dib waxa Soomaaliya u xusul duubatey sidii loo soo afjari lahaa heshiiska Somaliland ay sida madaxa bannaan ula gashey Itoobiya.

Dhexdhexaadin ay garwadeen ka ahayd Xukuumadda Ankara ayaa lagu qabtey Turkiga, waxaana ka soo baxey heshiiska la magacbaxay Baaqii Ankara[Ankara Declaration].

Heshiiskan ayaa qodobka ugu weyni ahaa in Itoobiya marin badeed hesho laakiin ay taa u marto Xukuumadda Villa Somalia isla markaana ilaaliso madaxbannaanida dhuleed ee Somalia.

Sannadkii 2024 bishii November ayaa doorasho ka dhacdey maamulka iskii madaxbannaanida ugu dhawaaqey ee Somaliland halkaas oo Cirro uu helay 64% tiradii dadka codka dhiibtay. Cirro waxa uu xilka la wareegay dhammaadkii sannadkaas iyada oo uu damay/bakhtiyay damacii Itoobiya ee xeebaha Waqooyiga.

Wararka qaar baa sheegayay in Soomaaliya ay Itoobiya u oggolaatey Xeebaha Koonfurta ama Badweynta India maaddaama oo aanay gacanta ku haynin Xeebaha Waqooyi.

Markii Cirro la doortay ka dib waxa uu bilaabay in uu dib u hagaajiyo xiriirradii dalalka jaarka ah iyo kuwa saamaynta siyaasadeed kuleh gobolka. Waxa uu tagey Immaaraadka halkaas oo uu shirweyn kaga qaybgaley.

Shirkaas oo uu ku tegay magaca "Jamhuuriyadda Somaliland”. Agaasimihii hore ee Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin oo wareysi bixiyey waxa uu tibaaxay in Cirro uu ahaa mid fadhiyey halkii loogu talagaley Xasan Sheekh.

Markale Cirro wuxu tagey Jabbuuti iyadana waxa loogu soo dhaweeyay sidii dal madaxbannaan taas ayaana keentay in Reysal Wasaaraha Soomaaliya uu ka dego Jabbuuti si uu ula kulmo Ismaaciil Cumar Geelle.

Ugu dambayn Cirro waxa uu tagey Kenya laakiin Kenya markii hore waxa ay ku sheegtay maamul lamid ah Jubbaland balse dhaqankoodu kaa waa ka beddelnaa, waxa ay u fureen xafiis siyaasadeed isla markaana waxa uu kulan la qaatey siyaasiyiinta ugu sarraysa dalkaas Ruto iyo Odinga. Soo laabashadiisii waxa uu sheegay in uu degdeg u tegi doono Itoobiya.

Itoobiya oo Reysal Wasaaraheedu hadlay toddobaadkan aynu ku jirno waxa uu ka dhawaajiyey in uu ka murugoodo waayiddii Itoobiya ay weyday baddeedii 30sano kahor.

Haddaba tegitaanka Cirro ee Addis Ababa ayaa la rajaynayaa in Itoobiya kala hadasho arrinkii MoU-ga maaddaama oo Abiy aanu rabin Badweynta Hindiya masaafada iyo sababo la xiriira jihaadiyiinta oo ka hortaagan awgood.

Helidda Itoobiya ee qayb kamida Xeebaha Waqooyi waxa ay keeni kartaa in si fudud Itoobiya u qabsan karto dhulal horleh, maaddaama Itoobiya ku dhisan tahay damac iyo dano gumeysi.

Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir Channels-kan cusub:

https://t.me/+zMfhCR5C-M84MjU0 

https://t.me/+WQRCu-lg74hiMzU0

Related Items

Update cookies preferences