Kooxda Villa Somaliya iyo maamulka daba-dhilifka ah ee Somaliland ayaa si garbo-siman ah uga qayb-galay shir ka dhacay dalka Naamiibiya ee dhaca xeebta koonfur-galbeed ee qaaradda Afrika.
Shirkan oo ahaa mid caalamiya ayaa waxaa ka qayb-galay in ka badan 45 dal oo Afrikaan ah, kaas oo looga hadlayay arrimo la xiriira jeelasha Afrika iyo kaabayaashooda.
Somaliland oo ah maamul gooni-goosad ah welina aan helin wax aqoonsiya ayaa sidii dowlad madax-bannaan oo kale uga qayb-gashay shirkaasi.
Shirkan oo sidoo kale ay ka qayb-gashay DF Somaliya ayaa Isniintii shalay ka furmay caasimadda Nambiya ee Windhoek, kaas oo socon doona ilaa 13-ka bishan lagu jiro ee June.
Hey’adda ICRC iyo weliba dowladda martida loo yahay ee Namibiya ayaa wada-jir usoo qaban-qaabiyey shirkan oo socon doona muddo 5 cisho ah.
Waxa kasoo muuqanaya goobta shirku uu ka socdo calannada Somaliya iyo Somaliland oo si garbo siman ah uga dhex babanaaya madashaasi, taas oo ka marag-kacaysa in Somaliland ay shirkaasi kaga qayb-gashay heer dowladeed.
Tallaabadan oo ayaa fashil iyo fadeexad hor leh ku ah kooxda Villa Somaliya, taas oo ilaa hadda wax fal-celin ah aan ka samayn dhacdadan oo xagal-daacinaysa astaantii magac-u-yaalka ahayd ee ahayd maamulidda dalka Somaliya.
Ma ahan markii ugu horreysay oo sidan oo kale ay Somaliland uga qayb-gasho shirar caalamiya, waxaana haatan muuqata in kooxda Gurguurte ay gebi ahaanba ku fashilantay siyaasadda Soomaaliya, iyadoo isugu biyo-shubatay oo kaliya dilka, dhaca iyo boobka ummadda Soomaaliyeed.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir: