Donald Trump ayaa saxiixay go'aan uu ku mamnuucayo in ay u safraan Mareykanka dadka dhalasho ahaan kasoo jeeda 12 wadan, sababo la xiriira cabsi haraysay amniga Maraykanka, sida uu xaqiijiyey xafiiska madaxweynaha Maraykanka.
Waddamadan xayiraadda cusub la saaray ayaa kala ah: Afghanistan, Soomaaliya, Suudaan, Yemen, Liibiya, Iiraan, Chad, Burma, Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, Equatorial Guinea, Eritriya, iyo Heyti.
Bayaan kasoo baxay aqalka cad ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in dalalkani yihiin kuwo ku fashilmay xaqiijinta amniga iyo nidaamka baaritaanka, isla markaana loo arkay inay halis weyn ku yihiin amniga dalka Maraykanka.
"Ma ogolaanayno in dad doonaya in ay dhibaato noo geystaan ay dalkeena soo galaan," ayuu yiri Trump mar uu arrintan kaga hadlayay muuqaal lasoo geliyey barta X, isagoo sheegay in ay waajib ku tahay in uu qaado tallaabo kasta oo uu ku difaacayo danaha Maraykanka.
Trump ayaa si adag u dhaliilay awoodda amni iyo maamul ee kooxda Villa Somaliya, isagoo hoosta ka xariiqay in kooxdaasi gebi ahaanba aanay ahayn wax jira oo la isku hallayn karo, waana maamulka ugu liita ayuu yiri awood ahaan iyo dhul ahaanba.
"Soomaaliya ma laha maamul dhexe oo karti leh ama lala shaqeyn karo oo bixisa baasaboorrada ama dukumentiyada madaniga ah, sidoo kalena ma laha nidaam sugan oo lagu baaro laguna hubiyo dadka,” ayuu sidoo kale Donald Trump uu ku yiri bayaankiisan.
Madaxweynaha Maraykanku waxa uu si cad u sheegay in jihaadiyiintu ay ka hawl-galaan, awood buuxdana ku leeyihiin gudaha Soomaaliya, isla markaana amni iyo xasillooni taam ah ay ku haystaan, taas oo uu ku sifeeyey in ay tahay mid amnigooda khatar ku ah.
Muddo-xileedkii hore ee Donald Trump ayay ahayd markii uu soo saaray amar uu dalkiisa kaga mamnuucay inay soo galaan dadyowga muslimiinta ah ee kasoo kala jeeda dalalka Ciraaq, Soomaaliya, Suuriya, Suudaan, Liibiya, Yemen iyo Iiraan.
FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir: