Dowladda Kenya ayaa walaac daran ka muujisay hoos u dhaca dhaqaale ee ku yimid howlgalka AUSSOM kaas oo beddelay hawlgalkii hore ee ATMIS.
R/wasaare-xigeenka Kenya ahna wasiirka arimaha dibada, ninka lagu magacaabo Musalia Mudavadi, ayaa sheegay in hoos u dhaca taageerada dhaqaale ee beesha caalamku ay halis ku tahay wax uu ugu yeeray amniga gobolka.
Mudavadi ayaa ku cataabay in AUSSOM ay la tacaalayso caqabado dhaqaale oo ba'an, iyadoo aan weli la helin maalgelinnadii ay beesha caalamku ballan-qaadday.
Mas’uulkan Kenyaanka ah ayaa sheegay in haddii taageerada dhaqaale ee howlgalka AUSSOM la waayo, ay taasi keeni karto in dagaalka lagula jiro jihaadiyiinta Somaliya uu burburiyo.
R/wasaare-xigeenka Kenya ayaa wargeyska Daily Nation u xaqiijiyey in wadahadal uu u socdo Kooxda Villa Soomaaliya iyo dawladaha isbahaysiga AUSSOM oo ay ku jiraan Kenya, Itoobiya, iyo weliba daneeyayaal kale, kuwaas oo ka tashanaya sidii ciidamada Afrikaanta looga saari lahaa dalka Soomaaliya.
Mas’uulkan ayaa muujiyey in ay si weyn uga walaacsan yihiin bixitaanka ciidamada shisheeye ee Soomaaliya, maadaama ayuu yiri tallaabadaasi ay horseedi karto in jihaadiyiinta Al-Shabaab ay la wareegaan Soomaliya isla markaana awooddoodu ay camimi doonto guud ahaan geeska Afrika.
Warkan ayaa kusoo aaday iyadoo shalay madaxda aqalka sare ee maraykanak ay soo saareen hindise sharciyeed mamnuucayo in lacagaha maraykanku siiyo qaramada midoobay lagu maal galiyo howlgalka AUSSOM.
Maddaxda xisbiga jamhuuriga ee dalkaas maraykanak ayaa iyagoo ka duuliya mabd'ooda ah "America First” ee uu hor boodayo Madaxweyne Donald Trump kasoo ah in dhaqaalaha dalkaas aan lagu taageerin dagaalada qaramada midoobay ay maal galisyo ayaa gabi ahaanba diiday inay qayb ka noqdaan maal galinta howlgalka AUSSOM.
Hidinsahan ay soo sareen aqalka sare ee dalkaas ayaa yimid kadib markii Mareykanku uu ka cabsaday in lacagta canshuurta muwaadiniintiisa loo adeegsado hawlgallo dibadda ah, gaar ahaan kuwa aan si toos ah u saameynin danaha dalkiisa.
Dowladda Kenya oo kumanaan askari ay ka joogaan qayba ka mid ah gobolka jubooyinka ayaa ugu dambeyn ugu baaqday beesha caalamka, gaar ahaan Mareykanka, in ay dib uga fiirsadaan go’aannadooda, isla markaana ay taageeraan howlgal gaaleedka si lacagaha lagu maalgaliyo ciidamadoodu aysan u joogsan.