War on the Rocks oo ah warbaahin laga leeyahay dalka Maraykanka oo si gaar ah diiradda u saarta falanqaynta iyo dooddaha ku saabsan siyaasadda amniga Maraykanka, istiraatiijiyadda, iyo arrimaha diblomaasiyadda ayaa diyaarisay warbixin ay cinwaan uga dhigtay "Dowladda fashilantay iyo soo laabashada Al-Shabaab ee Soomaaliya".
Warbixintu waxay xustay in hawl-galladii jihaadiyiintu ay bilaabeen horraantii sannadkan si weyn loogu wiiqay kooxda Villa Soomaaliya, isla markaana dagaalyahannada Al-Shabaab ay gacanta ku dhigeen dhul aad u ballaaran oo ka tirsan bartamaha iyo koonfurta dalka Soomaaliya.
Hawl-galkan jihaadiyiinta ayay warbixintu sheegtay in uu si degdeg ah u burburiyey maamulkii kooxda Villa Somaliya, isla markaana uu bannaanka keenay fashilka ku yimid qorshaha iyo istiraatijiyadda ciidamada caalamiga ah ee duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya.
Guulahan ay gaareen jihaadiyiintu ayay warbixintu tibaaxday inay kusoo aadeen xilli kooxda Gurguurte ay galayso marxalad hubanti la’aan ah, muran badanna ku gedaaman yahay, kaas oo salka ku haya kala-guur siyaasadeed iyo mid hay’adeed.
Warbixintu waxay xustay in ay jirto baahi degdeg ah oo loo qabo in dib looga fikiro sida uu caalamku ula macaamilo Soomaaliya, maadaama kooxda Gurguurte ay sii kala daadanayso, siina luminayso dhul hor leh, isla markaana ay haatan u muuqato mid saaxadda kasii baxaysa.
Dabayaaqada bishii Labaad ee sanadkii 2025-ka, jihaadiyiintu waxay weerarro qorshaysan ku qaadeen deggaanno badan oo ka kala tirsan gobollada Shabeellaha dhexe, Shabeellaha hoose iyo Hiiraan, kuwaasoo lagu soo af-jaray ayay tiri warbixintu maleeshiyaadkii Xasan Gurguurte.
Duqaymaha cirka ee ay fulanayeen waxa loogu yeero saaxiibada caalamka ayay warbixintu xustay in gebi ahaanab ay fashilmeen kadib markii ay joojin kari waayeen taqadumka mujaahidiinta Al-Shabaab oo la wareegay dhul aysan gacanta ku hayn tan iyo 2019-kii, kuwaasoo haatanna si tartiib ah ugu sii siqaya caasimadda Muqdisho.
Maleeshiyaadka maamulka Muqdisho ayay warbixintu tilmaantay in ay ku jiraan xaalad liidata, kuwaas oo si weyn ugu tiirsan ayay tiri hawl-galka AUSSOM iyo taageerooyin caalamiya, taas oo muujinaysa itaal-darrada maleeshiyaadka oo aan haba yaraatee iska caabbin karin weerarrada jihaadiyiinta.
Intaas waxaa dheer ayay tiri warbixintu dhaqaale la’aan baahsan oo lasoo deristay hawl-galka AUSSOM, kaddib markii uu Maraykanku diiday inuu bixiyo maal-gelinta mashruucaasi, xilli muddo dhowr bilood ah ciidamada Afrikaantu aanay qaadan wax Gunno ah.
Ma jirto ayay tiri warbixintu jid millateri oo sinaba looga adkaan karo jihaadiyiinta Al-Shabaab oo haatan awooddoodu ay sii bullaalayso, xilli ay sii wiiqmayaan go’aan-qaadashada Maraykanka iyo Yurub, kooxda riddaduna ay sii burburayso siyaasad ahaan iyo ciidan ahaanba.
Warbaahinta War on the Rocks oo uu aasaasay mas’uul horey uga soo shaqeeyey Wasaaradda Difaaca Maraykanka, ayaa ugu damayn waxa loogu yeero beesha caalamka ugu baaqday in ay beddelaan istaraatiijiyaddii hore, wada-hadalna la furaan jihaadiyiinta Al-Shabaab, maadaama uu fashilmay ayay tiri duullaankii aan loo kala harin ee lagu qaaday dalka Soomaaliya.
FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir: