Taliska millateriga Al-Shabaab ayaa baahiyey diyaaraddii dagaal ee jihaadiyiintu soo rideen maalinnimadii Axadda, taas oo ay lahaayeen isbahaysiga AUSSOM.
Diyaaraddan oo nooceedu ahaa kuwa qummaatiga u kaca ayay jihaadiyiintu kusoo rideen deggaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha dhexe.
Sidoo kale dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa isla maalintaasi si buuxda ula wareegay deggaanka Xawaadley, kadib markii ay ka baqo-carareen ciidamada Burundi.
Sawirradan oo dhammaantood aanu hoos idinkula wadaagnay ayaa lagu arkayaa jiyaadiyiinta Al-Shabaab oo burburka diyaaraddaasi dusha sare ka saaran, kana taagay Raayada Tawxiidka.
Geesta kale jihaadiyiinta Al-Shabaab ee ka hawl-gala gobolka Bakool ayaa habeennimadii xalay dagaal culus ku miray maleeshiyaadka Laftagareen ee degmada Waajid.