AUSSOM oo qiratay in ciidamadeedu ay isaga qaxeen Xawaadley, diyaaradna soo dhacday.

Tuesday June 03, 2025 - 15:05:29
Liibaan Jeexoow
Taliska calooshood-u-shaqaystayaasha AUSSOM ayaa maanta soo saaray Bayaan uu kaga hadlay saldhiggii istaraatiijiga ahaa ee ciidamada Burundi ay shalay ka baqo-carareen iyo weliba diyaaraddii Helicopterka ahayd ee ay soo rideen dagaalyahannada Al-Shabaab.
AUSSOM ayaa qirtay in ciidamada Burundi ay isaga qaxeen saldhiggii ay ka deggenaayeen deggaanka Xawaadley ee waqooyi-bari caasimadda Muqdisho, isla markaana ay soo dhacday mid ka mida diyaaradaha qummaatiga u kaca oo lagu daad-guraynayay ciidamadaasi.

AUSSOM waxay sheegtay in wadayaashii diyaaradda iyo ciidankii saarnaaba ay badqabaan, waxaanay ciidanka Burundi ku ammaantay sida ay naftooda u badbaadsadeen, isla markaana iyagoo wax khasaare nafeed ah aanu soo gaarin ay si degdeg ah uga firxadeen saldhigga Xawaadley.

Warsaxaafadeedka AUSSOM ayaa imanaya maalin kadib markii jihaadiyiinta Al-Shabaab ay si nabad-gelyo ah ula wareegeen saldhigyadii ay shalay ka baqa-carareen ciidamada Burundi iyo maleeshiyaadka Gurguurte ee ku yaallay deggaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Taliska millateriga Al-Shabaab oo bayaan kasoo saaray dhacdadan ayaa lagu sheegay in ay si buuxda ula wareegeen deggaanka Xawaadley, isla markaana ay soo rideen diyaarad Helicopter ah oo ay lahaayeen isbahaysiga Afrikaanta, gaar ahaan waddanka Uganda.

FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:

Related Items

Update cookies preferences