Weerarro lagu naafeeyey ciidamada Kenya iyo maleeshiyaadka Gurguurte oo ka kala dhacay Gaarisa iyo Sh. hoose.

Tuesday June 03, 2025 - 07:48:37
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imananaya deggaannada ku hoos-jira gumaysiga dowladda Kenya ayaa sheegaya weerar ay jihaadiyiinta Al-Shabaab ku qaadeen ciidamada Kenya.
Hawl-galkan oo ahaa weerar dhabbo-gal ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay lagu beegsaday ciidamada Kenya iyo maleeshiyaadka daba-dhilifka u ah ee leh jinsiga Soomaaliga.

Dhaqdhaqaaqyo ayaa la sheegayaa in huwantu ay ka wadeen agagaarka deggaanka Walmareer oo hoos-taga degmada Faafi ee gobolka Gaarisa.

Sida ay xogtu tibaaxayso Jihaadiyiinta ayaa garneellada garbaha laga rido la helay gaari Taw ah oo qayb ka ahaa kolonyada ciidamada huwanta.

Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa xaqiijiyey in goobtaasi ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen tiro askarin Kenyaati ah.

Geesta kale, dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa habeennimadii xalay hawl-gal qarax ah ku miray maleeshiyaad ku sugnaa degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha hoose.

Sida ay wararku tibaaxayaan hawl-galkan ayaa geystay dhaawaca laba askari oo ka tirsan maleeshiyaadka ashahaado-la-dirirka Gurguurte.

FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:

Related Items

Update cookies preferences