WAR-SAXAAFADEED: Al-Shabaab oo faahfaahin ka bixisay diyaaraddii lasoo riday iyo la-wareegistii Xawaadley.

Monday June 02, 2025 - 19:23:16
Liibaan Jeexoow
Taliska millateriga xoogagga Al-Shabaab ayaa soo saaray bayaan lagu faahfaahiyey la-waereegistii galabta ee deggaanka Xawaadley iyo diyaaraddii ay jihaadiyiintu soo rideen.
Bayaanka oo goor dhawayd soo baxay ayaa u qornaa sida tan:

"Mujaahidiinta oo soo riday diyaarad dagaal”
06 Dul-Xijjah 1446 H (02 Juun 2025) Ciidamada Mujaahidiintu waxay galabta oo Isniin ah dhulka soo dhigeen diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ay cadawga saliibiyiinta ah lahaayeen taas oo hawlgallo ashahaado la dirirnimo ah oo lagu dhibaataynayo dadka Muslimiinta ah ku hawllaneed.

Mujaahidiinta oo adeegsanaya hub ku munaasab ah ayaa diyaaradda helikobtarka ah ku beegsaday hawada deegaanka Xawaadleey ee Wilaayada Islaamiga ah Shabeellada dhexe.

Diyaaradda ay Mujaahidiintu soo rideen ayaa waxaa iska lahaa isbahaysiga saliibiyiinta Afrikaanta ah ee ku soo duulay dalka Muslimka ah ee Soomaaliya, si gaar ah waxay uga diiwaan-gashanayd wadanka Yugaandha, waxaana burburkeeda gacanta ku dhigay ciidanka Mujaahidiinta.

Dhanka kale, ciidamada Mujaahidiinta ayaa si buuxda ula wareegay deegaanka Xawaadleey ee Wilaayada Islaamiga Shabeellada dhexe halkaas oo sanadihii u dambeeyay ay xoog ku haysteen saliibiyiinta Afrikaanta ah.

Askartii cadawga ahaa oo ka tirsana saliibiyiinta Burundi ayaa deegaanka iskaga cararay kuwaas oo u dhaqaaqay dhinaca Muqdisho.

Deegaanka Xawaadleey ayaa kamid noqonaya degmooyin & deegaano badan oo kamid ah Wilaayaadka Shabeellada dhexe, Shabeellada hoose iyo Hiiraan oo bilihii la soo dhaafay ay Mujaahidiinta – Allaah fadligiis – ka xoreeyeen cadawga Islaamka, dibna uga taageen calanka Tawxiidka iyo ku dhaqanka shareecada Islaamka.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay u dagaallameysaa dhawritaanka badqabka Ummadda Muslimka ah, hirgelinta Shareecada Islaamka iyo inay dhammaan dhulalka Muslimiinta ka xoreyso gaalada iyo murtadiinta dabadhilifka u ah.

Waxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ballan ku qaaddeysaa inay sii wadi doonto Jihaadka ka dhanka ah isbahaysiga caalamiga ah ee saliibiyiinta iyo dabadhilifyadooda murtadiinta ah illaa ay geyiga Soomaaliyeed ka saareyso cadowga hororka ah ee ku soo duuley, iyo illaa diinta dhamaanteed ay Allaah keliya u sugnaaneyso.

FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:

Related Items

Update cookies preferences