Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu la kulmo madaxda Maamul Goboleedyada iyo Siyaasiyiinta Mucaaridka.
Warsaxaafadeed ay baahisay Villa Somalia ayaa lagu xusay in Xasan Sheekh uu codsanayo kulan uu la yeesho Maamul Goboleedyada, Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo Bulshada Rayidka ah 15 Juun ee bishan aynu ku jirno.
Siyaasiyiinta Mucaaridka ah oo dhankooda soo saaray warsaxaafadeed ayaa shuruudo ku xiray aqbalidda gogosha Xasan Sheekh fidiyay.
Shuruudaha waxa kamid ah in fadhigaas lagaga wada hadlo khilaafka siyaasadeed iyo doorashooyinka labada heer ee Maamul Goboleedyada iyo Federaalka.
Geesta kale Farmaajo oo si gaar ah isagu qoraal u soo saaray ayaa shuruud ka dhigay in madasha ay goobjoog ka ahaadaan Puntland iyo Jubbaland.
Si kastaba ha ahaatee Xasan Sheekh ayaa cadaadis kala kulmaya dalalka shisheeyaya loogu yeero "Beesha Caalamka”.
Xasan Sheekh waxa uu hore u fidiyay Madasha Wadatashiga taas oo keliya ay yimaaddaan Galmudug, Koonfurgalbeed iyo Hirshabelle.
Markii dambena waxa uu ku dhawaaqay xisbi loo bixiyay Caddaalad iyo Wadajir kaas oo ay qayb ka yihiin saddexdaas maamul goboleed.
Puntland iyo Jubbaland ayaa iyagu ka maqan Madasha Wadatashiga inkasta oo Jubbaland dagaal adagi dhexmaray Xasan Sheekh.
FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir: