FAAH-FAAHIN: Al-Shabaab oo weerar khasaare geystay ka fulisay duleedka Halgan.

Monday June 02, 2025 - 13:46:31
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya hawl-gal ay dagaalyahannada maanta ka fuliyeen deggaanka Miir-qooleey oo dhaca duleedka Halgan.
Hawl-galkan ayaa lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaad ku sugnaa deggaankaasi, kuwaas oo uu soo gaaray khasaare kala duwani gaaray.

Ilo-wareedyo ayaa tibaaxaya in hawl-galkaasi lagu khaarajiyey ugu yaraan 2 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka la weeraray.

Mid ka mida ah maydadka askartaasi ayaa looga cararay isla goobtii uu hawl-galku ka dhacay, halka ay jihaadiyiinta Al-Shabaab ay mooti kusoo furteen weerarkaasi.

FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:

Related Items

Update cookies preferences