Weerar hubaysan oo geystay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay galbeedka Itoobiya.

Tuesday May 27, 2025 - 10:29:57
Liibaan Jeexoow
Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhintay tiro kalena waa ay ku dhaawacantay weerar hubaysan oo lagu beegsaday baabuur rakaab ah oo maraayay gobolka Gambella ee galbeedka Itoobiya.
Sida ay wararku tibaaxayaan baabuurka la weeraray ayaa siday rakaab tiradoodu gaaraysay 47 qof, kuwaas oo kasoo ambabaxay degmada Dimma kuna sii jeeday magaalada Pinyudo waxaanay ka tirsan yihiin gobolka Gambella.

Dadka deggaanka ayaa warbaahinta maxalliga ah ee Itoobiya u sheegay in dablay hubaysani ay rasaas oodda kaga qaadeen baabuurka, isla goobtiina ay ku geeriyoodeen 5 ruux, kuwaas oo ay ku jireen carruur iyo haween. Waxaana lagu aasay degmada Dimma.

Weerarkan ayaa dadka deggaanku ku eedeeyeen inay geysteen maleeshiyaad hubeysan oo xadka kasoo tallaabay kana soo jeeda qowmiyadda Murle oo ka mid ah beelaha dega Koonfurta Suudaan, gaar ahaan gobolka Jonglei oo soohdin la wadaaga gobolka Gambeella ee dalka Itoobiya.

Ciidanka Booliiska oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarkaasi ay fuliyeen maleeshiyaad kasoo jeeda Koonfuta Suudaan, halkaasna ay ku dileen shan qof oo dirawalkii baabuurku uu ku jiro, halka toddobo kalena ay soo gaareen dhaawacyo garaab ah iyo kuwo fudud.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhaawacyada loo daad-gureeyey, laguna daaweynayo cisbitaalka guud ee magaalo-madaxda gobolkaasi ee Gambella. Waxaanu weerarkani kusoo aadayaa maalmo uun kadib markii saraakiil ka tirsan militariga Itoobiya iyo Suudaanta Koonfureed ay yeesheen kulan ay sheegeen inay ku xoojinayaan amniga.

Maleeshiyaadka qoomiyadda Murle ee kasoo jeedda Suudaanta Koonfureed ayaa dhibaato joogto ah ku haya gobolka Gambella ee Itoobiya, gaar ahaan labada qoomiyadood ee Nuer iyo Anuak oo ka mida bulshooyinka ugu waaweyn ee gobolkaasi degta.

Weeraradan oo waqtigoodu dheeraaday ayaa isugu jira dilal, afduubka carruurta, dhaca xoolaha, iyo burburinta hantida, kuwaas oo tobankii sano ee lasoo dhaafay sababay dhibaatooyin aad u baahsan iyo xaalad amni darro ah.

Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:


Related Items

Update cookies preferences