In ka badan 50 askari oo lagu dilay weeraro ka dhacay Mali, Burkina-Faso iyo Benin + SAWIRRO.

Monday May 26, 2025 - 14:06:42
Liibaan Jeexoow
Maalmihii lasoo dhaafay Jamaacada jihaadiyiinta ee Nusratul Islam Wal-muslimiin waxay cagta mariyeen illaa 3 saldhig oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka dalalka Mali, Burkiina-Faaso iyo Beniin, kuwaas oo sababay dhimashada inka badan 50 askari, waxaana lagu burburiyay saldhigyo ciidan, iyadoo sidoo kale lala wareegay hub tiro badan iyo gaadiid dagaal.

Weerarkii ugu cuslaa ayaa ka dhacay deegaanka Juuraa oo hoos taga gobolka Muubatii ee bartamaha Maali, waxayna dagaalyahannada Jamaacada Nusratul-Islam Wal-Muslimiin qaadeen weerar ballaaran oo lala beegsaday saldhigyo ciidan oo isku raran ahaa, kuwaas oo ay ku sugnaayeen boqolaal maleeshiyaad ah.

Inta la xaqiijiyay, ugu yaraan 40 askari ayaa lagu dilay weerarkan, waxaana guud ahaan saldhigyadii maleeshiyada Maali la wareegay jihaadiyiinta, kadib markii askartii ku sugnaa ay noqdeen wax la laayay iyo kuwo firxaday, siwirro ay baahisay mu’assasada Az-Zallaaqa ayaa muujinayay raadadka uu reebay weerarka, waxaana laga dheehan karaa jabka maleeshiyadka Maali ku gaaray goobta uu dagaalku ka dhacay, kuwaas oo raxan raxan u daadsan gudaha iyo hareeraha saldhigga.

Xoogagga jihaadiyiinta ayaa gacanta ku dhigay inta badan hubkii yiillay xerada la weeraray waxaana ka mida 6 gaari oo nooca dagaalka ah, 5 qori oo Dhishiikayaal ah, 13 qori oo dabajeexyo ah, 4 qori oo RPG ah iyo 57 qori oo AK-47 ah. Waxay sidoo kale Jamaacadu ay dagaalkan ku gubeen 21 gaari oo ay ku jireen saddex gaari oo kuwa dagaalka ah, iyagoo dab qabadsiiyay guud ahaan xerada iyo teedhooyinkii ay maleeshiyaadka Maali ku lahaayeen halkaas.

Dhanka kale, weerar kale oo dhaliyay khasaare xooggan ayaa ka dhacay dalka Burkiina-Faaso, gaar ahaan gobolka Wahigooya ee woqooyiga dalkaas, kolonyo maleeshiyaad ah oo ku safraysay meel u dhow xuduud-beenaadka uu dalkaasi la wadaago Maali ayaa lala beegsaday howgallo isugu jira qaraxyo iyo weerarro toos ah, waxaana halkaasi lagu dilay ugu yaraan 10 askari. Weerarkan ayaa ahaa mid dhabba-gal ah oo si xeeladeysan loo diyaariyay, waxaana maleeshiyaadkii weerarka lagu qaaday laga furtay gaadiid, qaraxyo iyo rassaas badan.

Dhanka waqooyiga Beniin, gaar ahaan deegaanka Mikoro oo ku dhow xuduud-beenaadka uu wadankaasi la wadaago Burkiina-Faaso. dagaalyahanno aad u hubaysan oo ka tirsan jihaadiyiinta ka hawgala dalkaas ee Nusratul Islam ayaa waxay weerar qorshaysan ku qaadeen saldhig ciidan oo ay ku sugnaayeen ciidamada dalkaas.

Askarta la weeraray ayaa isku dayay inay sameeyaan iska cabin ka dhan ah jihaadiyiinta, balse ugu damabayn cagaha ayay wax ka dayeen, kaddib markii jihaadiyiintu ay difaacyada ugu daateen, waxaana halkaas ka dhacay dagaal xooggan oo gacmaha la iskula tagay.

Inkastoo aan weli aanay warbaahintu helin xogta khasaaraha gaaray maleeshiyaadkii ku sugnaa halkaas, waxaa hadana dhanka kale u suura-gashay jihaadiyiinta in ay la wareegaan agab iyo saanad ciidan oo ay ka carareen maleeshiyaadka Beniin, sida ay sheegtay warbaahinta Az-Zallaaqah.

Wadamada ku jira isbahaysiga cusub ee dhanka difaaca ah ee loo yaqaano AES oo ka kooban dalalka Maali, Burkiina-Faaso iyo Nayjar ayaa wajahaya cadaadis xoogan oo kaga imaanaya dhanka Jihaadiyiinta Jamacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin, waxaana bilihii u damabayay dhacay boqolaal weeraro ah oo dhulka la simay awooddii ciidan ee ay lahaayeen dalalkaasi, iyadoo ay u dheer tahay kacdoon daakhili ah oo ay shacabku kagasoo hor jeedaan xuukamadaha talada dalalkaas haya.

Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:



Related Items

Update cookies preferences