Hawl-gallo lagu naafeeyey Huwanta oo maanta ka kala dhacay Baydhabo, Buulo-mareer iyo Buurane.

Sunday May 25, 2025 - 18:15:31
Liibaan Jeexoow
Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa maanta hawl-gal qarax ah ka fuliyey deggaan ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe.
Qaraxan ayaa lala eegtay ciidamo Burundiis ah oo ku lugaynayay deggaanka Buurane, waxaana jira khasaare soo gaaray calooshood-u-shaqaystayaasha.

Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in qaraxaasi ay ku naf-waayeen ugu yaraan 2 askari oo ka tirsanaa ciidamada Burundi.

Sidoo kale dagaalyahannada Al-Shabaab ee ka hawl-gala gobolka Shabeellaha hoose ayaa maanta qarax la beegsaday maleeshiyaad ku sugan gudaha deggaanka Buula-mareer.

Maleeshiyaadkan ayaa la weeraray xilli ay ku sugnaayeen isbaaro u taallay gudaha magaalada, waxaana soo gaaray khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida aanu xogta ku helnay qaraxaasi waxaa ku dhintay ugu yaraan 1 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Gurguurte, halka mid kalena uu ku dhaawacmay.

Geesta kale, waxaa faahfaahin dheeriya ay kasoo baxday khasaaraha ka dhashay qarax ay dagaalyahannada Al-Shabaab saaka ku weerareen ciidanka Xabashida Itoobiye ee ku sugan gegida diyaaradaha ee magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Sida ay wararku tibaaxayaan qaraxan waxaa ku qudh-baxay ugu yaraan 2 askari oo Itoobiyaan ah, halka mid kalena uu ku dhaawacmay.

Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:

Related Items

Update cookies preferences