Xiisadaha siyaasadeed ee ay wadajahayaan madaxda ugu sarraysa dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sababtay in waxa loogu yeero beesha caalamka ay awaamir toos ah siiyaan Xasan Gurguurte iyo Xamza Cabdi Barre.
ilo wareedyo ayaa sheegaya in madaxweynaha Dowladda Federaalka uu ku qasbanaaday in uu ka tanaasulo go'aannouu horay usoo saaray oo ay kamid ahaayeen qabashada doorasho qof iyo cod ah iyo waxka bedelka dastuur ku sheega ay ku dhaqaxto xukuumadda Villa Somalia.
Sida ay wararku sheegayaan in Xasan Sheekh ayaa usheegay shisheeyaha caddaanka ah ee ku sugan xerada Xalane uu soo dabcay islamarkaana uu horraanta bisha soo socota ee Juun ee qaban doono shir uu ku casuumayo dhammaan siyaasiyiinta mucaaradka ah taas oo ka dhigan isdhiibid siyaasadeed.
Imaanshiyaha Muqdisho ee R/wasaarayaashii soo mara DF-ka iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa larumeysanyahay in ay sare uqaadday cadaadiskii saarnaa Xasan Sheekh iyo Xamza Barre.
Mucaarad ayaa hub culus oo ku rakiban gaadiid gaashaaman ku dhax wata waddooyinka Muqdisho arrinkaas oo dirayay digniino ah iyo wax walba ay dhici karaan haddii uu Gurguurte ku adkeysto doorashada ku shubashada ah ee uu dib ugusoo laabanayo.
Falanqeeyaasha ayaa aaminsan in siyaasiyiinta dabadhilifyada ah ku qasbanaan doonaan in ay dib ugu laabtaan Teendhada Afisyooni waaba haddii uu waqtigu ku simo oo ay shisheeyuhu Muqdisho kusii ilaaliyaan.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir: