Wararka ka imanaya gudaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya hawl-gallo saacadihii lasoo dhaafay dagaalyahannada Al-Shabaab ka fuliyeen goobo kala duwan.
Qarax culus ayaa saaka lagu weeraray askarta Xabashida Itoobiya ee ku sugan gegida diyaaradaha magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.
Sidoo kale isla gobolka Baay waxaa ka dhacay habeennimadii xalay dagaal culus oo lagu miray xerada askarta Xabashida Itoobiya ee degmada Diinsoor.
Gobolka Gedo, waxaa isaga laftarkiisa xalay ka dhacay weerar culus oo bartilmaameedkiisu ahaa xerada askarta Xabashida Itoobiya ee degmada Baardheere.
Weerarradan ayaa imanaya xilli dagaalyahannada Al-Shabaab ay dardar xooggan geliyeen hawl-gallada ka dhanka ah shisheeyaha dalka kusoo duullay iyo daba-dhilifyadooda.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir: