Siyaasadaha isdiidan ee ka jira geeska qaaradda Afrika ayaa saameyn ku yeeshay awoodaha caalamiga ah ee doonaya in ay gacanta ku dhigaan kheyraadka dhax ceegaagga mandiqadda iyo marin-biyoodyada muhiimka ah.
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay in ay si xowlli ah isugu fidinayso bariga Afrika iyadoo adeegsanaysa maal iyo calooshood-u-shaqeystayaal caalami ah iyo kuwa maxalli ah.
Ismaaciil Cumar GeElle oo ah madaxweynaha Jabuuti ayaa eedaymo culus u jeediyay Imaaraatka Carabta oo uu ku tuhmay in ay qas, qulqulatooyin siyaasadeed iyo mid amni ka waddo geeska Afrika.
Geelle oo wareysi siinayay warbaahinta RFI ee ku hadasha afka dowladda Faransiiska ayaa sheegay in Imaaraatka oo ku gambanaya maalgashiyo maaliyadeed uu awood millateri ka sameysanayo geeska Afrika.
"Imaaraatka Carabta ayaa qaaday xamlo maal-gashi oo ay ku baxayso 110 Milyaar oo Dollar ayaa qaaradda Afrika ka wadda dhoollatus istiraatiijiyadeed oo hadafkiisu yahay is ballaarin melleteri balse boor isku qaris looga dhigay maalgashi dhaqaale"ayuu yiri Ismaaciil Cumar Geelle.
Wuxuu intaas ku daray in dowladaha gobolka ay walaac ballaaran ka muujinayaan saameynta ay xukuumadda Abu Dubai ku leedahay dekadaha, isgaarsiinta iyo arrimaha Loojiistikada.
"Imaaraatiyiintu qalqal weyn iyo deganaanshiyo la'aan ayay ku hayaan mandiqadda, maalgashiyadan aan arkeyno ma ahan mashaariic dhaqaale ee waa ujeedooyin milleteri oo uu halis ku gelinayo madax banaanida dowladaha afrika" ayuu hadalkiisa sii raaciyay Geelle.
Madaxweynaha Jabuuti ayaa wareysigan uu bixiyay ku xaqiijiyay markii ugu horraysay in ay iska diideen dalab uga yimid Imaaraatka oo ahaa in ay saldhig milleteri ka sameysato xeebaha Jabuuti.
Waxaa xusid mudan in dowladda Imaaraatka ay gacanta ku hayso saddex ka mid ah dekadaha caalamiga ah ee dalka Soomaaliya iyadoona magaalooyinka Boosaaso iyo Berbera ka yagleeshay saldhigyo melleteri halka ay maamusho marsada magaalada Kismaayo.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir: