Cirro oo la saadaalinayo in uu safar ku tago dalka Kenya.

Saturday May 24, 2025 - 17:48:34
Liibaan Jeexoow
Madaxweynaha maamulka la baxay Somaliland ayaa ilo wareedyo sheegayaan in uu safar ugu baxayo Magaalada Nayroobi ee caasimadda Kenya.
Cirro oo shalay uun ka yimid safar maalmo qaatey oo uu kula kulmay madaxda ugu sarraysa dalka Jabbuuti ayaa haddana la tibaaxayaa in 25 bishan oo berri ah uu u safro Kenya.

Safarrada Cirro ayaa u muuqda mid uu ku doonayo sidii uu aqoonsi u heli lahaa isla markaana waxa uu la kulmayaa dublomaasiyiinta reergalbeedka u fadhiya Nairobi.

Intii uu joogay Cirro waxa uu Jabbuuti kula kulmay safiirrada Ingiriiska, Faransiiska iyo Itoobiya ee fadhiya Jabbuuti.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Cirro furayo xarun qunsuliyadeed oo Xaafadda Runda ee magaalada Nairobi looga furayo Somaliland.

Dhanka kale waxa kor u kacay hadal haynta aqoonsiga maamulka Somaliland inkasta oo madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh uu dagaal dublomaasiyadeed arrintaa ka galey.

Dhawaan Wasiirka Dibedda ee Somaliland oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Aadan ayaa ka dhawaajiyey in ay rejaynayaan in sannadkan la aqoonsado Somaliland.

Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:



Related Items

Update cookies preferences