WASHINGTON: Labo Yahuud ah oo dhegta dhiigga loo daray iyo Trump oo ka murugooday.

Thursday May 22, 2025 - 08:34:12
Liibaan Jeexoow
Laba Yuhuud ah oo midi ka tirsanaa safaarada sahaayinada ee Mareykanka oo lagu dilay meel u dhow Matxafka Yuhuudda ee Washington D.C.
Warar soo baxay ayaa sheegaya in laba yuhuud ah oo uu midi shaqaale ka yahay safaaradda sahaayinada ee Washington lagu dilay rasaas lagu furay xiili uu ku sugnaa meel u dhow Matxafka Yuhuudda ee caasimadda dalkaasi.

Wasiirka Amniga Gudaha ee Mareykanka Kristi Noem ayaa ku tilmaantay weerarka dil toos ah loola qasday ragan isagoona hadal baroor ah u jeediyey eheladooda.

Sida ay sheegeen afar mas’uul oo ka tirsan hay’adaha ammaanka Mareykanka nin soconayay banaanka matxafka ayaa mar qura yuhuudan ku furay rasaas tira beel ah, Labadan ruux ayaana ahaa nin iyo haweeney.

Waxaa intaasi sii dheer in ruuxa weerarkan geystay uu ku dhawaaqayey ereyo ay kamid yihiin "Xoreeya Filistiin".

Afhayeenka safaaradda yuhuuda ee Mareykanka Tal Naim Cohen ayaa sheegay in labada qof lagu toogtay masaafo dhow iyaga oo doonayey ka qeyb galka munaasabad Yuhuud ah oo ka dhacaysay matxafka.

Donald Trump oo durbadiiba ka hadlay dhacdadan ayaa cambaareeyay, wuxuuna sheegay in toogashadani tahay mid aad u murugo leh isla markaana si cad ugu saleysan "nacaybka loo qabo Yahuudda.

Sidoo kale mas'uuliyiin kale oo Mareykan ah sida Chuck Schumer iyo Pam Bondi ayaa durbadiiba cambaareeyn lasoo istaagay warbaahinta xilli waxa ka socda Qaza iyo dhiiga daadanaya har iyo habeen ay ka dhigayaan mid qiima la'aan ah iyagoona caalamka u muujinaya in Yuhuuda la dulmiyey.

FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:

Related Items

Update cookies preferences