Fashilka amni ee dul-hoganaya Villa Somaliya iyo baroor-diiqda beesha caalamka. [WARBIXIN]

Wednesday May 21, 2025 - 12:31:10
Liibaan Jeexoow
Fashilka amni ee ka jira Muqdisho iyo fadeexada dul hooganeyso hay'adaha sirdoonka ayaa noqday kuwa maalmihii lasoo dhaafay ay si aad ah uga qeyla dhaamiyaan xukuumadaha daba dhilifyada ah ee taageerada u muujiya kooxda Villa Soomaaliya xilli xukuumada Xasan Sheekh ay buuxisay muddo 3 sano ah.
Dowladaha daba-dhilifyada ah ee carabta iyo kuwa reer Yurub ayaa si aad ah uga qeyla-dhaaminaya halaagga ay kusii socoto kooxda Vill Soomaaliya iyagoo cambaareyn af labadii dhawaaqay kadib howgallo is xig xigay oo xoogagga Al-Shabaab ay ka fuliyeen gudaha caasimada Soomaaliya ee Muqidsho.

Mid kamdi ah howgaladaas ka dhacay gudaha caasimada laguna laayeey maleeshiyaad fara badan waa midkii Labo maalin ka hor ay jihaadiyiintu ka fuliyeen afaafka hore ee xerada Damaanyo ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Xeradan oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad doonayey isku diyaarinta iyo qaadashada tababaro ciidan oo kala duwan, ayay xoogagga Al-Shabaab kala hor-mareen darbo ku sababatay iney kala firxadaan qaarkoodna halkaas dhagta dhiiga loogu daro.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Xarakada ayaa lagu sheegay in halkaas lagu dilay ilaa 30 askari laguna dhaawacay wax ka badan 50 kale, walow ay marwalba tiradu ay sameyn karto koror hor leh maadaama tirakoobkan uu ahaa mid horadhac ah sidaba lagu cadeeyey qoraalka warsaxafaadeedka.

Wixii markaas ka dambeeyey waxaa si aad ah usoo baxay bayaan ay soo saarayeen xukuumadaha Carbeed iyo kuwa reer Yurub, iyagoona si aad ah u muujiyey walaaca ay ka qabaan weerarada sii xoogeysanaya ee cunaha lagu jarayo calooshood u shaqeystayasha maleeshiyaadka qeybohooda kala duwan.

Ugu horeyntii dowladda Masar ayaa saacado un kadib weerarkii Damaanyo soo saartay warqad ay ka tacsiyeyneyso halaaggii gaaray maleeshiyaatka, wasaarada arrimaha dibada xukuumada Qaahira ayaana muujisay sida ay uga walwalsantahay xaaladda Soomaaliya maadaama ciidankeedu ay qeyb ka yihiin howgalka ashahaada la dirirnimo ee markan lasoo huwiyey magaca AUSOM.

Dhanka dowladda Poland iyaduna waxa soo saartay war qoraaleed ay uga hedleyso howgalkii Damaanyo, waxayna sheegtay in halkaas uu ka dhashay khasaare xoogan oo soo gaaray kooxda Villa Soomaaliya, iyadoona cadeysay in sidaan oo kale 2023 loo weeraray gudaha xerada Jaale Siyaad oo ku taalla ka soo hor-jeedka xarunta Damaanyo.

Waxay sidoo kale dowladdan qirtay inay sii lixaadsaneyso cududa jihaadiyiinta Al-Shabaab ayna sameynayaan isbalaarin xooggan waxaana lagu yiri qoraalka waqradan "In ka badan toban sano kooxdan waxay u dagaalameysaa iney Soomaaliya kusoo rogto xukunka shareecada Islaamka iyagoona hadda maamusha dhul balaaran oo ka tirsan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya".

Dowladda Qadar ayaa dhankeeda soo saartay warsaxaafadeed ay ku cambaareyneyso wixii khasaaro ahaa ee gaaray maleeshiyaadka, wasaaradda arrimaha dibadda Dowxa ayaana sheegtay iney gudaha Muqdisho ay kusii lixaadsanayaan maalinba maalinka ka dambeysa weerarada jihaadiyiintu.

Imaaraatka isaguna waa mid kamid ah dalalka saacado un kadib lasoo dag dagay cambaareyn iyo tacsi isku laran, waxayna xukuumadan muujisay sida ay uga niyad jabsan tahay masiirka kooxda Xasan Sheekh iyo sida jihaadiyiintu ay u kulaalayaan magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Xukuumadaha ka dhisan wadamada Baxreyn, Urdun iyo Kuweyt ayaa iyaguna soo saaray waraaqo isku mid ah oo ay uga hadlayaan howgalkaan, iyagoona qoraaladooda ku muujiyey sida ay uga murugeysan yihiin halaaggii gaaray saaxiibadood iyo fashilka amni ee heystay kooxdan.

Marka laga soo tago cambaareenadan tooska ah ee kasoo baxaya dalalkan, dhanka kale mid kamid ah warbaahinta Faransiiska ayaa saacadihii lasoo dhaafay daabacday warbixin ay uga hadleyso qaraxan ka dhacay afaafka hore xerada Damaanyo halka dhinaca kale ay sheegtay in waayadaan ay kooxda Gurguurte gudaha caasimada ku wajahayaan dhiig baxa daran.

"Soomaaliya ayaa bilihii u dambeeyay wajahaysay weerarro sii kordhaya oo kaga imanaya kooxda Al-Shabaab….Kooxdan oo ay ku gedaamanyihiin duruufo dhaqaale iyo kuwa amni ayaa xoojisay weeraradeeda ay ka fulineyso gudaha wadanka iyadoo beegsaneysa dowladda Soomaaliya" waxaa sidaas yiri Radio France Internationale (RFI) oo ah idaacad laga leeyahay dalka Faransiiska.

Gunaanudkii kooxda Villa Soomaaliya iyo nidaamka Xasan Sheekh ee ay baaqiga u tahay muddo ka yar hal sano ayaa hadda ku sugan marxaladii ugu liidatay, dagaalyahannada Al-Shabaab ayaana si adag ula xisaabtamaya cadawgooda, iyadoona weerarkan uu ahaa mid digniin cad loogu dirayey afraadda ku taameysa iney ku biiraan safka kooxdaasi, iyadoona sida tan lagu yiri warsaxaafadeedkii kasoo baxay Al-Shabaab ee looga hadlayey howgalkan:-

"Mujaahidiintu waxay mar kale u digayaan cid walba oo doonaysa inay ku biirto cadawga ashahaado la dirirka ah ee hororka ku ah diinta, dalka iyo deeqda ummada Soomaaliyeed ee Muslimka, waxayna qof walba oo arinkaas ku fikiraya xusuusinayaan in aysan ku kadsoomin ballan-qaadayada dhalanteedka ah ee ay saliibiyiintu u samaynayaan, taas badalkeedana ku waana-qaataan dharbaaxooyinkii ku dhacay murtadiintii iyaga kaga horeeyay dhabaha halaagga ee ashahaado la dirirnimada ah, kuwaas oo u qaybsamay qaar saldhigyadooda lagu dhex laayay, kuwo maydadkooda furimaha looga soo cararay, qaar dhaawacyo xun weli la jiifa iyo kuwo welwel iyo cabsi joogta ah la nool.”


Related Items

Update cookies preferences