Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya oo astaan u ah dhulboob,xaraash-ka kheyraadka dalka iyo musuq maasuq ayaa markii ugu horraysay goob fagaare ah ka sheegay in uusan waxba u arkin xatooyada iyo gacma gacmaysiga ay sameeyaan wasiirrada dowladda.
Isagoo ka qeyb gelayay munaasabad xarigga looga jarayay dhismaha waxa loogu yeero wasaaradda Awqaafta ayuu Xasan Sheekh ka dhawaajiyay in lacagaha ay wasaaradaha dowladda ka qaataan shacabka Soomaaliyeed aysan wax dhib ah laheyn oo ay wax iska caadi ah yihiin "in mudda ah ayaa lacago la iskasoo qaadanaye,in dadka lacago laga qaato anigu hadde mushkilad weyn uma arko"ayuu yiri Xasan Guguurte oo uriyaaqsanaa lacagaha badda ah ee dowladiisu ka qaaddo shacabka.
Hadalka madaxweynaha DF-ka ayaa si aad ah ugu dhaxfaafay baraha bulshada waxayna dadku ka bixiyeen fasiraado kala duwan, inta badan dadka ayaa caddeymaha Xasan Sheekh ku tilmaamayay in ay yihiin kuwa oo ku taageerayo musuq maasuqa iyo xatooyada hantida dadweynaha.
Tan iyo markii uu Xasan Sheekh hoggaanka uqabtay DF-ka waqti hadda laga joogo sedax sano ayuu dalka geliyay khalalaaso maaliyadeed isagoo dhacay hantida danta guud iyo midda sida gaarka ah loo leeyahay.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir: