Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan-Cirro ayaa safar ugu bixi doona dalka Jabbuuti sida ay tebinayso warbaahinta maxalliga ah ee maamulka Somaliland.
Safarka Cirro ayaa noqonaya midkii koowaad ee uu ku tago mid kamida waddamada Geeska Afrika halka 2 safar oo hore uu ku tagey Isutagga Immaaraadka Carabta.
Jabbuuti iyo Somaliland ayaa xiriirkoodu xumaadey ka dib markii Somaliland heshiis MoU ah la gashey Dowladda Itoobiya kaas oo saamayn weyn ku yeeshay Geeska Afrika.
Jabbuuti waxa ay si weyn uga soo horjeesatey in Itoobiya marin badeed ka hesho dhanka Somaliland ama Gacanka Cadmeed.
Waxaana Jabbuuti si ay taas uga hortagto bedka soo dhigtay in ay Itoobiya siiso dekedda Tajoora oo waxyar u jirta Itoobiya inkasta oo aanay dalabkaas Itoobiya aqbalin.
Geesta kale madaxweynihii hore ee SL ayaa Ismaaciil Cumar Geelle ku tilmaamey mid dhaqdhaqaaq ciidan iyo colaad ka hurinaya xadka SL iyo JB.
Safarka Cirro oo noqonaya midkii saddexaad ayaa la saadaalinayaa in uu yahay mid uu dib ugu soo celinayo xiriirkii hore ee labada dhinac.
MoU-ga Itoobiya la gashey Muuse Biixi ayaanay wali ka laaban halka Cirro iyo kooxdiisuna aaney si toos ah u sheegik haddii ay sii wadayaan heshiiskaas iyo inkale.
Dhanka Itoobiya waxa ay weli u xusul duuban tahay sidii ay ku heli lahayd bad caalami ah.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir: