FAAH-FAAHIN: 7 Askari Itoobiyaan ah oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday qarax ka dhacay Baydhabo.

Monday May 19, 2025 - 14:04:49
Liibaan Jeexoow
Waxaa faahfaahin dheeriya ay kasoo baxday qarax maanta lagu weeraray ciidamada Xabashida Itoobiya ee ilaalada ka haya garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo.
Hawl-galkan oo ay fuliyeen dagaalyahannada Al-Shabaab ee ka hawl-gala gobolka Baay, ayaa khasaare culus lagu gaarsiiyey ciidmada Xabashida Itoobiya.

Ilo-wareedyo aanu goor dhawayd helnay ayaa sheegaya dhimashada ugu yaraan 3 askari oo Itoobiyaan ah iyo dhaawaca 4 kale.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli ay xaaladdu ku xuntahay ciidamada Afrikaanta ee kusoo duullay Soomaaliya, isla markaana laga goostay dhaqaallihii la siin jiray.

Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:

Related Items

Update cookies preferences