Madaxweynihii hore ee Maryakanka Joe Biden oo laga helay cudur halis ah.

Monday May 19, 2025 - 11:45:03
Liibaan Jeexoow
Madaxweynihii hore ee Maraykanka Joe Biden, oo 82 jir ah, ayaa laga helay kansarka qanjirka borostaatada, kaasoo ku faafay lafihiisa, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay qoyskiisa.
Biden, oo intii uusan xafiiska laga maamulo dalka Maraykanka ka tagin bishii Janaayo qeyb weyn ka qaatay xasuuqa dadka muslimiinta reer falastiin, ayaa xanuunkan laga helay Jimcihii ka dib baaritaan lagu sameeyey todobaadkii hore.

Sida ay qortay warbaahinta Associate Press ee dalka Maraykanka, Kansarkan ayay sheegtay inuu yahay nooca ugu daran, oo lagu garto dhibcaha waxa loogu yeero Gleason waana 9 ka mid ah 10-ka dhibcood oo uu leyahay. Waxaana la sheegay in ay ka dhigan tahay in jirradiisu ay tahay nooca heerkiisu sarreeyo, unugyada kansarkuna si dhaqso ah ayay u faafi karaan, sida warbaahintu kasoo xigatay Cancer Research UK.

Biden iyo qoyskiisa ayaa la sheegay inay dib u eegis ku sameynayaan xulashooyinka noocyada daawaynta. Xafiiskiisu wuxuu intaa ku daray in kansarku uu ahaa mid xasaasi ah oo hormoonka ah.

"Toddobaadkii hore, Madaxweyne Joe Biden waxaa lagu arkay baaritaan cusub oo qanjirka 'Prostate Nodule' kadib markii uu isku arkay calaamadaha kaadida oo kasii daraya…” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay xafiiska Biden.

Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:

Related Items

Update cookies preferences