Mareykanka oo hubkiisii cuslaa kala baxay dalka Yemen kadib markii si xun loo jebiyay.

Sunday May 18, 2025 - 18:21:39
Liibaan Jeexoow
Dowladda daalimadda Mareykanka ayaa si fool xun loogu jebiyay meel aan sidaas uga fogeyn biyaha dalka Soomaaliya xilli xiisadaha ka jira mandiqadda ay aad usii xoogeysanayaan.
Wararka ka imaanaya dalka Yemen ayaa sheegaya in dowladda Mareykanka ay hubkeedi cuslaa kala baxday biyaha badda Cas ee wadankaasi kadib 52 maalmood oo dagaallo culus ay kula jirtay kooxaha Xuuthiyiinta.

Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska dhexe ee ciidanka Mareykanka ayaa lagu sheegay in laba markab oo nuuca diyaaradaha xambaara ah ay ka shiraacdeen xeebaha dalka Yemen.

ilo wareedyo ayaa usheegay shabakadda The National Interest in tallaabada uu Mareykanku qaaday ay timid kadib markii saaruukh casri ah oo Xuuthiyiintu ay rideen uu halis geliyay diyaarad nuuceedu yahay F-35 xilli ay ku duulaysay hawada Yemen.

The National Interest oo soo xiganaya saraakiil American ah wuxuu daabacay in saaruukhan oo ah mid gacan ku sameys ah ay Xuuthiyiintu halis ku geliyeen diyaaradda F-35 oo ah midda ugu casrisan aaladaha dagaalka Mareykanka.

Inkastoo Trump uu iclaamiyay in uu heshiis xabad joojin ah lagalay Xuuthiyiinta hadane jeneraallada American-ka ayaa amar kusiiyay taliyaasha ciidamada in ay ka fogaadaan xeebaha iyo hawada Yemen.

Hardanka udhaxeeyay Mareykanka iyo wakiillada Iiraan ee Yemen ayaa mararka qaar soo gaarayay meelo ku dhow biyaha Soomaaliya, waxaana muuqata in Mareykanka looga xoog roonaaday dagaalka Yemen.

Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:

Related Items

Update cookies preferences