Jamaacada Nusratul Islaam Wal-muslimiin ayaa fulisay weerarro ay dhegta dhiigga ugu dartay maleeshyiaadka fara badan, isla markaana ay kusoo furatay saanad millateri oo tiro-beel ah.
Weerar si weyn loogu naafeeyey maleeshiyaadka maamulka Waagaduugo ayaa salaasaladii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Diyaabqa ee gobolka Faadanqorma ee dalka Burkino Faso.
Dagaalkan ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsaday saldhig ay maleeshiyaadka Burkino Faso ku lahaayeen magaalada Diyaaqba.
Ugu yaraan 160 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka Burkino Faso ayaa lagu dilay dagaalkaasi, sida lagu sheegay bayaan ay jameecadu soo saartay.
Nusratul Islaam Wal-muslimiin waxa kale oo ay dagaalkan kusoo furteen saanad millateri oo ay ka mid yihiin, qoriga culus ee lidka diyaaradaha (14.5mm KPV), Dhashiike, 3 Hoobiye, 4 qori RPG, 4 qori PKM, 47 qori AK47, 6 Bastooladood, 15 Mooto-dhugdhugleey, 405 Qasnadood, 2 diyaaradood oo Drone ah iyo agab kale oo kala duwan.
Sidoo kale Jihaadiyiinta Nusratul Islaam Wal-Muslimiin ee ka hawl-gal dalka Nayjar ayaa fuliyey hawl-gal deggaanka Mosibaaga ee gobolka Tiilaaberi.
Weerarkan oo dhacay khamiistii lasoo dhaafay ayaa lagu dilay ugu yaraan 7 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka Nayjar, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Jamaacada.
War-murtiyeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in jihaadiyiintu ay dagaalkaasi kusoo furteen 5 baabuur oo midkood uu yahay nooca gaashaaman, 7 PK, 5 RPG, 5 Dhashiike, 2 Gantaal, 4 Hoobiye, 15 qori AK47, 3 diyaaradoodo Drone ah, 3 Mooto-dhugdhuleey, rasaas tiro-beel ah iyo agab kale oo kala duwan.
Sidoo kale Jamaacada Nusratul islaam Wal-Muslimin waxay weerar culus ku qaadday saldhig ciidan oo ku yaalla Sandari oo dhaca gobolka Kabis ee dalka Maali.
Ugu yaraan 7 askari oo ka tirsan millateriga Mali ayaa lagu dilay weerar culus oo Jihaadiyiintu ay ku qaadday saldhig ciidan oo ku yaalla degmada Sandari ee gobolka Kabis, sida lagu sheegay war kasoo baxay maktabka wararka ee Jamaacada.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in weerarkani uu sababay khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed oo gaarey Maleeshiyaadka Maali, waxaanay Jameecadu la wareegeen afar gawaarida ciidanka ah, hub iyo rasaas tiro badan oo ay ka mid yihiin:
3 qori DShK ah, 5 qori PK ah, 2 qori RPG ah, 1 Madfac SPG-9 ah, 1 Hoobiye, Qoriga weyn ee lidka diyaaradaha ee cabirkiisu yahay 14.5mm, 18 qori Ak47 ah, 20 sanduuq oo rasaas ah iyo agabyo kale oo millatari. Waxaanay Jihaadiyiintu burburiyeen afar gaari ciidan oo uu ku jiro gaari gaashaaman.
Jameecadu sidoo kale waxay soo bandhigtay isla markaanu aanu hoos idinkula wadaagnay sawirrada saanaddan baaxadda leh ee millateri ee ay kusoo furteen dagaallada ay ka fuliyeen dalalka Burkino Faso, Nayjar iyo Maali.
Hawl-galladan ayaa imanaya xilli maalmo ka hor sidan oo kale jihaadiyiinta Nusratul Islaam Wal-muslimiin ay dhegta dhiigga u dareen ugu yaraan 200 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Burkino Faso ee gobolka Sum, gaar ahaan magaalada Jiibu.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir: