SAWIR: 43 askari oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday dagaal maanta ka dhacay duleedka Moqokori + Khasaaraha dagaalkii shalay oo kordhay.

Sunday May 18, 2025 - 13:48:11
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya dagaallo saaka mar kale dib uga qarxay duleedka deggaanka Moqokori, kaas oo u dhaxeeya jihaadiyiinta Al-Shabaab iyo maleeshiyaadka Gurguurte.
Sida ay wararku tibaaxayaan tiraba 3 jeer ayaa dagaalladaasi lagu jebiyey maleeshiyaadka Gurguurte, waxaana la gaarsiiyey khasaare laxaad leh.

Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa tibaaxaya in ugu yaraan 17 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka Gurguurte lagu dilay dagaalladan saaka, 26 kalena lagu dhaawacay.

Maleeshiyaadka dhegta dhiigga loo daray waxaa ka mid ahaa askari lagu magacaabi jiray Cabdi Yuusuf Salaad (Cabdi Goomeey), oo sida la sheegay ay muddo ku raad-joogeen dagaalyahannada Al-Shabaab.

Geesta kale, waxaa sii kordhay khasaaraha maleeshiyaadkan lasoo bakhti-afuufay lagu gaarsiiyey dagaallo culus oo shalay ka dhacay isla duleedka Moqokori.

Sida ay xogtu tibaaxayso dagaalladan shalay dhacay ayaa lagu dilay ugu yaraan 66 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka Gurguurte, halka 105 askari oo kalena lagu dhawaacay.

Dagaalladan oo shalay lagu feentay saraakiishii ugu cad-caddaa maleeshiyaadkaasi, ayay dagaalyahannada Al-Shabaab kusoo furteen hub, rasaas, iyo saanad ciidan oo aad u fara badan.


Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:



Related Items

Update cookies preferences