Cirro: Waxaan codsiyo aqoonsi-raadis ah u kala diray 190 dal oo dunida ah.

Sunday May 18, 2025 - 12:24:40
Liibaan Jeexoow
Waxa maanta ay ku beegnayd 34 guuradii ka soo wareegtay maalintii maamulka Somaliland ku dhawaaqey in uu goonni uga baxeen Soomaaliya inteeda kale.
Cirro ayaa tibaaxay in uu dalalka dunida badankood u direy codsiyo lagu aqoonsanayo Somaliland waana dedaallo uu wadey beryahanba.

"Waxaan dhambaallo codsi aqoonsi raadis ah u kala diray Madaxweyneyaasha, Raysal Wasaareyaasha, Amiirada 190-ka dal ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, shalay baana la gaadhsiiyey codsigaas”

Madaxweynaha maamulka ayaa sidoo kale sheegay in haddii la aqoonsado ay wax ka qaban lahaayeen xaaladda Koonfurta.

"Waxaan xog ogaal u nahay wixii Soomaaliya ka qaldamey aniga iyo Muuseba, waxaanan waayo aragnimadaa ku caawin karnaa dib u dhiska Soomaaliya” Cirro

Waa markii koowaad ee Cirro uu isaga oo madaxweyne ah uu ka qayb galo 18 May.


Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:

Related Items

Update cookies preferences