Maalinimadii shalay waxaa ka dhacay gobolka Hiiraan dagaal culus oo cashar lama illaawaan ah loogu dhigay maleeshiyaadkii uu xaabada ka dhigtay madaxa Villa Somaliya, Xasan Gurguurte.
Dagaalladan oo soo bilawday aroornimadii shalay ayaa gaaray ilaa gabbal-dhacii, waxaanay si gaar ah uga dhaceen labo aag oo dhaca duleedka deggaanka Moqokori.
Duleedka deggaanka Mubaax dagaal culus ayaa ka qarxay waaberigii shalay, halka sidoo kale dagaal ba’ani duleedka deggaanka Ceel-Hareeri uu xilliyadii duhurkii ka bilawday dagaal ba’an, kaas oo socday ilaa gabbal-dhacii shalay.
Sida ay wararku tibaaxayaan labada aagba maleeshiyaadka Gurguurte si weyn ayaa loogu jebiyey, waxaana dhegta dhiigga loo daray maleeshiyaad fara badan.
Waxaa fashilmay isla markaana guul-darro ba’ani ka raacday isku-dayo dhowr ah oo maleeshiyaadka kooxda Villa Somaliya ay rabeen inay kusoo rogaal-celiyaan.
Khasaare aad u culus ayaa lagu soo warramayaa in la gaarsiiyey maleeshiyaadka xaabada laga dhigtay, waxaana jira xogo horu-dhac ah oo iftiiminaya xaddiga dhimashada iyo dhaawaca ee dagaalladaasi.
Ilo-wareedyo ayaa tibaaxaya in dhimashada maleeshiyaadka Gurguurte ay gaareyso 57 askari oo uu ku jiro sarkaal lagu magacaabi jiray Xujaale.
Sidoo kale dhaawaca maleeshiyaadkaasi soo gaaray ayaa lagu sheegay in uu caga-cagaynayo 98 askari. Waxaanan helnay magacyada iyo sawirrada qaar ka mida askarta iyo saraakiisha lagu laayay dagaalladan, waxaana ka mida:
Kornayl CabdiRaxmaan Xujjaale oo ahaa sarkaal ka tirsanaa guutada 26-aad ee qaybta 27-aad ee maleeshiyaadka Gurguurte, kaas oo ka mid ahaa saraakiishii hoggaaminaysay dagaalladan, kaas oo tacab badan ay gelisay Amxaaradu, isla markaana qayb ka ahaa duullaankii saddex sano ka hor lagu qaaday deggaanno ka tirsan gobolka Hiiraan oo lagu maamulayay shareecada Islaamka.
Waxa kale oo uu ka qayb-qaatay dagaallo badan oo ka dhacay Hiiraan, iyadoo muddooyinkii u dambaysay lagu arkayay baraha bulshada isagoo aad uga soo cartamaaya deggaanno ka tirsan gobolkaasi, waxaana jira ayaa la leeyahay dhagay ay u maleegeen dagaalyahannada Al-Shabaab oo tan iyo waagaas si gaar ah isha ugu hayay.
Waxa kale oo ka mida saraakiishii lagu feentay dagaalladan Gaafow Shiilow oo ahaa sarkaal ciidan iyo Xasan Gambale oo isna ahaa sarkaal ciidan.
Sidoo kale askarta dagaalladan lagu feentay waxaa kaloo ka mid ahaa, Juquf Cali Cawaalle, Cabdi Maxamed, iyo Cabdulle Daqarre.
Geesta kale dagaalyahannada Al-Shabaab waxay dagaalladan kusoo furteen hub, rasaas, iyo saanad ciidan oo aad u fara badan.
Maadaama dagaalladan ay muddo saacado ah socdeen, waxaa suuro-gal ah ayaa la leeyahay in khasaaruhu uu intaasi kasii bato, iyadoo lagu soo warramayo in maleeshiyaadkii la jabiyey ay bakhtiyadoodii kaga carareen goobihii lagu dagaallamay, halkaas oo si buuxda ay gacanta ugu hayaan dagaalyahannada Al-Shabaab.
Mu’asasada Al-Kataa’ib ayaa isla shalayba baahisay qaybo ka mida bakhtiga maleeshiyaadkii dhegta dhiigga loo daray ee shalay lagu feentay furimaha dagaalka. Waxaanad sawirradooda ka heli kartaan barta aanu ku leenahay Telegram.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir: