FAAH-FAAHIN: Hawl-gallo culus oo dagaalyahannada Al-Shabaab ka fuliyeen Hiiraan, Banaadir, Sh. hoose iyo Mandheera + SAWIRRO

Saturday May 17, 2025 - 13:47:18
Liibaan Jeexoow
Sida aanu wararku ku helayno hawl-gallo kala duwan ayaa shalay iyo maantaba ay dagaalyahannada Al-Shabaab ka fuliyeen gobollo dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya iyo weliba gobolka Mandheera ee ku hoos-jira gumaysiga Kenya.
Gobolka Hiiraan, dagaal u dhaxeeya jihaadiyiinta Al-Shabaab iyo maleeshiyaadka kooxda Villa Somaliya ayaa maanta ka dhacay duleedka degmada Moqokori.

Dagaalkan ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay ugu yaraan 2 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka Gurguurte, kuwaas oo maydkooda isla goobtii dagaalka looga cararay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in sidoo kale dagaalkan lagu dhaawacay hal askari oo ka tirsan maleeshiyaadka uu xaabada ka dhigtay Xasan Sheekh.

Shabeellaha hoose, waxaa maanta ka dhacay qarax culus oo dagaalyahannada Al-Shabaab ay ka fuliyeen gudaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Baraawe.

Ilo-wareedyo ayaa sheegay in qaraxan lala eegtay gaari ay la socdeen maleeshiyaadka la weeraray, waxaana ku naf-waayay 2 askari, kuwaas oo sawirradooda aanu hoos idinkula wadaagnay.

Gaariga la qarxiyey ayaa burburay, waxaanay wararku tibaaxayaan in askarta dhaawacantay uu ka mid yahay sarkaal magaciisa lagu sheegay Muxiyadiin Maad-gaab.

Sidoo kale xoogagga Al-Shabaab waxay habeen hore weerar qarax ah ku mireen guirga guddoomiyaha maamulka Marka ninka lagu magacaabo Cusmaan Muuse Maxamed.

Xogta ayaa intaas ku daraysan in qaraxan ay ku dhaawacmeen Labo askari oo ka mida ilaalada guddoomiyaha maamulkaasi.

Gobolka Banaadir, dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa saaka hawl-gal qorshaysan ka fuliyey goob ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Gurguurte oo ku taalla degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.

Maleeshiyaadkan oo ahaa kuwa loo yaqaan Boolis Milataaro ayaa lagu weeraray qarax culus, waxaana laga dilay ugu yaraan 5 askari, halka 5 kalena laga dhaawacay.

Gobolka Mandheera, xoogagga Al-Shabaab ee ka hawl-gala dhulka muslimiinta ee xoogga ay ku haysato Kenya, ayaa weerar culus ku qaaday saldhigga ciidamada Kenya ee deggaanka Hareeri-Suke ee hoostaga degmada Ceelqaalow

Weerarkan oo dhacay goor habeen ah, ayaa lagu soo warramayaa in muddo ah in uu socday, waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya intii uu dagaalkaasi in jihaadiyiinta Al-Shabaab ay gubeen gaari Kooyal ah oo ciidamada Kenya u yaallay saldhiga.

Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:



Related Items

Update cookies preferences