Q.Midoobay oo ku fashilantay xal uhelidda maalgelinta ciidamada AUSSOM.

Saturday May 17, 2025 - 13:20:34
Liibaan Jeexoow
Waxa loogu yeero Q.Midoobay ay ku fashilantay in ay hesho dhaqaalaha ku baxaysa isbahaysiga Afrikaanta AUSSOM ee duullaanka ku jooga Soomaaliya.

Kadib kulamo aan loo kala kicin oo isbuucii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada New York ee dalka Mareykanka kuwaas oo looga arrinsanayay mustaqbalka maalgelineed ee ciidamada  afrikaanta ee Soomaaliya ku sugan ayaa kusoo idlaaday fashil iyo guuldarro.

Waxa loogu yeero golaha ammaanka Q.Midoobay ayaa ku guuldarraystay in uu xal u helo halista ka taagan cidda maalgelinaysa kumanaan kun askar  calooshood ushaqeystayaal ah kuwaas oo ku sugan dalka Soomaaliya.

Waxaa dhicisoobay dhammaan isku dayadii lagu doonayay in lagu socodsiiyo hanaanka maalgelinta cash-waaiga ah ee isbahaysiga AUSSOM iyadoo la adeegsanayo xeerka Q.Midoobay ee tirsigiisu yahay 2719.

Diblumaasiyiin ku sugan magaalada New York ayaa warbaahinta usheegay in gelinkii dambe ee maalintii Khamiista ay xubnaha joogtada ah ee 'Golaha Ammaanka' ay ku fashilmeen in ay golaha marsiiyaan hanaanka maalgelinta  afrikaanta sababa laxiriira diidmada ka imaanaysay Mareykanka.

Kulamada oo soo billaawday isniintii lasoo dhaafay ayaa fashil kusoo dhammaaday kadib markii ay dowladda  Mareykanka ganafka ku dhufatay dhammaan isku dayadii lagu doonayay in lagu meelmariyo qaraarka 2719 kaasi oo dhigaya in 75% qarashka ku baxaya soo duulayaasha afrikaanta ay bixiso Q.Midoobay intakalane ay dhabarka uritaan Mareykanka iyo midowga Afrika.

Daaniyaal Foorti oo ah baare katirsan hay'adda xasaradaha dunida ee loo yaqaan ICG Grouup ayaa sheegay in fashilka Golaha ammaanka ee sugidda maalinta isbahaysiga AUSSOM uu yahay guul darro weyn oo halis gelin karta DF-ka Soomaaliya ee taakta daran.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dowladaha afrikaanta ee ciidamadoodu duullaanka ay ku joogaan Soomaaliya ay wadaan dadaallo lagu qaban qaabinayo shir lacago loogu tuugsanayo ciidanka afrikaanta waxaana lafilayaa in shirarkaas lagu qabto magaalooyinka Dooxa iyo London.

Miizaaniyadda sanadlaha ee ku baxaysa mushaarka ciidamada  Afrikaanta ayaa gaaraysa 166.5 Milyan oo dollar waxaana sii dheer 96 milyan oo hadda deyn ahaan uga maqan.

Diidmada katimid xukuumadda Washington ayaa mugdi gelisay in lameelmariyo rabitaankii afrikaanta, arrimahan waxay imaanayaan iyadoo maleeshiyaadka DF-ka  lagu jebiyay wilaayaatka labada shabeelle iyo Hiiraan islamarkaana ay jihaadiyiintu kulaalayaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Related Items

Update cookies preferences