Madaxda Sirdoonka dalalka Bariga Afrika oo booqday biyo-xireenka Al-Nahda ee galbeedka Itoobiya.

Thursday May 15, 2025 - 15:29:18
Liibaan Jeexoow
Madaxda hey'adaha sirdoonka iyo amniga ee dalalka dhaca bariga qaaradda Afrika ayaa lagu soo warramayaa in booqasho ay ku tageen goobta ay Itoobiya ka dhistay mashruuca Biyo-xireenka uu muranku ka taagan yahay ee webiga Niil galbeedka Itoobiya.
Booqashadan oo ahayd Arbacadii shalay ayaa lagu tilmaamay tallaabadan aan horey loo arag, waxaana barbar socday shir goboleed la sheegay in uu ka dhacay magaalada Addis Ababa, kana qayb-galeen 13 xubnood oo ka mid ah madaxda hey’adaha sirdoonka iyo amniga ee dalalka bariga Afrika.

Shirkan ayaa la sheegay, in lagu gorfeeyey sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinaca sirdoonka ee dalalka Bariga Afrika si wax looga qabto ayay yiraahdeen caqabadaha amni ee sii kordhaya ee uu ugu horreeyo khataraha ka imaan kara waxa ay ugu yeereen argagixisada.

Ilo-wareedyo ayaa tibaaxaya in weftigan loo soo bandhigay warbixinno cusub oo ku saabsan xaaladda dhismaha biyo-xireenka Al-Nahda iyo awoodda mashruuca ee dhanka farsamada kaas oo maraaya wejigiisii ugu dambeeyey sida wakaaladda wararka ee Itoobiya ay kasoo xigatay Tazer Gebre-Egziabher, oo ah ku xigeenka agaasimaha guud ee Hey’adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka Itoobiya.

Tazir Gebre Kezabihir, waxa kale oo uu ka dhawaajiyey sida ay sheegtay Al-Jaziira in booqashadan ay sameeyeen madaxda sirdoonka iyo amniga Afrika ay qeyb ka tahay dadaallada ay dowladda Itoobiya ku doonayso in ay ku muujiso xaqiiqooyinka dhabta ah ee ku saabsan mashruuca biyo-xireenka Al-Nahda.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in booqashadu ay ku soo beegantay waqti xasaasi ah, maadaama mashruuca Biyo-xireenka uu ku dhow yahay heerkii kama dambaysta ahaa ee dhameystirka, isla markaana uu isu beddelay arrin muhiim ah oo saameyn ku leh juqraafiyadda siyaasadeed ee gobolka.

Ku-xigeenka agaasimaha Sirdoonka Itoobiya waxa kale oo uu carrabka ku adkeeyay in booqashadani ay ku soo beegantay waqti xasaasi ah, maadaama ayuu yiri mashruuca Biyo-xireenka uu ku dhow yahay heerkii kama dambaysta ahaa ee dhameystirka, isla markaana uu isu beddelay arrin muhiim ah oo saameyn ku leh juqraafiyadda siyaasadeed ee gobolka.

Tazir Gebre Tazir Gebre oo sidoo kale hadal ka jeediyay shirka ay la yeesheen weftigan ka socda sirdoonka dalalka bariga Afrika ayaa ku nuuxnuuxsaday, in waxa uu ugu yeeray argagaxisada ay wali khatar weyn ku yihiin gobolka, isagoona ku baaqay, in la qaato habab cusub oo ku saabsan shaqada sirdoonka.

Eng. Afraim Heili Mikel, oo ah ku-xigeenka agaasimaha Biyo-xireenka, ayaa sheegay in dhismaha Al-Nahda uu dhameystirmay dhanka qaab-dhismeedka, isla markaana uu galay wejigii wax-soo-saarka, isagoo hadda soo saaraya ayuu yiri qiyaastii 1800 megawatt oo koronto ah, lagana filayo in awooddaasi koronto ay gaarto 2600 megawatt saddexda bilood ee soo socda.

Waxa kale oo uu xusay in harada biyo-xireenku ay hadda si dhamaystiran u buuxsantay, taas oo dhalinkarta ayuu yiri Kayd biyo oo Istaraatiiji ah, laguna kalsoonaan karo, si looga hor-tago ayuu yiri yaraanta biyaha ee xilliyada Abaarta.

Kirame Tadesse, oo ah cilmi-baare Itoobiyaan ah, oo ka fal-celinaya booqashadan ayaa Al-Jaziira u sheegay in booqashadani ay calaamad u tahay isbeddel cusub oo ka dhex bilaabmaya iskaashiga sirdoonka gobolka, kaasoo ballaarinaya ayuu yiri fikradda amniga si ay ugu darsamaan ilaalinta mashaariicda ka gudba xuduudaha.

Masar oo si weyn ugu tiirsan webiga Niil ayaa ka mida dalalka kasoo hor-jeeda mashruucan ay Itoobiya ku kala dhantaalayso biyaha webigan oo mara 11 waddan, waxaana marar badan dhicisoobay dedaallo ay doonaysay inay kaga hor-tagto mashruuca Addis Ababa ee Al-Nahda.

FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir Telegram-yadan:


Related Items

Update cookies preferences