Wasaaradda Caddaaladda ee maamulka la baxay Somaliland ayaa soo saartey warbixin ay ku sheegtay in ay xabsiyada ka sii daysay maxaabiis gaaraysa 779 qof kuwaas oo siyaabo kala geddisan ugu xirnaa xabsiyada Somaliland.
Wasiirka Caddaaladda ee maamulka oo lagu magacaabo Yoonis ayaa sheegay in ay dhowrayaan xuquuqda maxaabiista.
"Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda SL Yonis Axmed Yonis oo ka wakiil ah Madaxwaynaha ayaa 150 maalmood gudahood xabsiyada dalka kasii daayey 779 Maxbuus.” Ayaa lagu yiri warbixinta
Maxaabiista la sii daayey 643 kamid ah ayaa lagu sheegay in ay galeen dembiyo fudud. Waxa xusid mudan in xabsiyada ay ku jiraan dad badan oo caddaalad darro ku xiran iyo kuwo kale oo u xiran lacago aan badnayn.