MUQDISHO: Dab khasaare geystay oo ka kacay suuqa Bakaaraha.

Tuesday May 13, 2025 - 12:14:29
Liibaan Jeexoow
Dab geystay khasaare xoogan ayaa habeenimadii xalay ka kacay goobo ganacsi oo ku yaalla suuqa Bakaaraha ee magaalada Mogdiso.
Sida ay wararku sheegayaan dabka ayaa waxa uu ka kacay goob gananacsi oo weyn oo ka koobneyd ilaa lix qol, waxaana dhaliyay koronto ku xirneyd.

Dabka ayaa ku faafay goobo ganacsi oo kale, isaga oo sababay kasaare hantiyeed oo baaxadleh,.

Dadaallo qaatay mudo saacado ah kadib ayaa lagu guulaystay in dabka la xakmeeyo oo xiligaasi kusoo faafayay dukaamo horleh.

inta laxaqiijiyay waxaa dabkaasi ku baaba'ay daawadii tillaay gobta uu dabku kacay iyo kuwa kale oo ku kaydsanaa goobo kale oo ka agdhawaa.

Marar badan ayuu sidaan oo kale dab xoogan uga kacay suuqa Bakaaraha, dababkaas ayaana badanaa dhaliya khasaare hantiyeed.
FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir Telegram-yadan:


Related Items

Update cookies preferences