Wararka ka imanaya Soomaaliya ayaa sheegaya baabuur rakaab ah oo lagu afduubtay deggaanno hoos-yimaadda gobolka Shabeellaha dhexe.
Gaadiidka la afduubtay oo tiradooda lagu sheegay 7 baabuur ayaa kasoo amba-baxay Muqdisho, waxaanay kusii jeedeen magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.
Baabuurtan oo sida la sheegay ay saarnaayeen 130 qof oo isugu jira Waayee, Haween, Caruur iyo Bukaanno ayaa lagu afduubtay inta u dhaxeysa deggaannada Wargaadhi iyo Cadcaddeey.
Maleeshiyaadkii afduubka geystay ayay wararku tibaaxayaan in dadkii iyo gaadiidkiiba ay u kaxaysteen meel u dhow deggaanka Nuur Dugle oo ka tirsan isla gobolkan Shabeellaha dhexe.
Guddoomiyaha guddida gaadiidka safarka Gaalkacayo, ninka lagu magacaabo Maxamed Daahir oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyey dhacdadan, waxaanu walaac xooggan ka muujiyey ammaan-darrada lasoo deristy dadka safarka ah.
Maxamed Daahir waxa uu sheegay in gaadiidkan lagu afduubtay Shabeellaha dhexe loogu aarayo, gaadiid kale oo lagu afduubtay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.
"Baabuurtii Xamar ka baxday maanta, dhammaantood, si qaybiilaysan oo cad ayaa ciidamo shaar dawladeed wata, ayaa ku qabsaday inta u dhaxaysa Wargaadhi iyo Cadcaddeey, kabacdina 7 baabuur bay afduubteen, kadibna dadkii iyo baabuurtii waxay geeyeen meel Nuur Dugle u dhow” ayuu yiri Guddoomiye Maxamed Daahir.
Maleeshiyaadka afduubka ka geystay Matabaan, ayaa lagu soo warramayaa inay ka caroodeen daroogada Qaadka oo horey loogu dhacay degmada Aadan Yabaal, xiligii dawladda federaalka Soomaaliya ay gacanta ku haysay.
Nin magaciisa ku sheegay Cali-Sooc, kana mida afduubeyaasha ayaa warbaahinta u sheegay in guddoomiyihii Aadan Yabaal u joogay Gurguurte iyo Saneey Cabdille oo ka mida saraakiisha maleeshiyaadka kooxda Villa Somaliya ay ka dhaceen 4 baabuur oo Qaad ah.
Maleeshiyaadka kooxda Villa Soomaaliya ayaa sii kordhiyey dhibtii iyo tacaddigii ay ku hayeen bulshada Soomaaliyeed kadib markii laga fara-maroojiyey deggaanno badan oo ka tirsan Shabeellaha dhexe, Shabeellaha hoose iyo Hiiraan.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:
Telegram: https://t.me/+A6yAhA78F5llNDI0