Dad rayid ah oo lagu afduubtay gudaha Itoobiya.

Thursday May 08, 2025 - 09:25:46
Liibaan Jeexoow
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya afduub loo geystay dad rayid ah oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha Itoobiya, xilli dalkaasi ay ka holcayaan dagaallo ba'an oo geystay khasaare baaxad leh.
Ugu yaraan 10 qof ayaa lagu soo warramayaa in laga afduubtay degmada Gida Ayana ee bariga Wollega oo ka tirsan gobollada Oromada. Waxaanay dadka deggaanku falkaasi ay ku eedeeyeen maleeshiyada Fano ee ka dagaallanta gobolka Amxaarada, sida uu baahiyey wargeyska Addis Strandard.

Dadkan la afduubtay oo isugu jiray odayaal, dhalinyaro iyo ganacsato, ayaa ka mid ahaa rakaab safar ah oo la socday baabuur dadweyne oo noociisu ahaa Basaska yar yar ee loo yaqaan TATA, kaas oo sida la sheegay kusii jeeday magaaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Goob-jooge ka mid ahaa rakaabkii la socday baabuurka oo codsaday in la qariyo magaciisa ayaa wargeyska Addis Standard u sheegay in ragga falkan geystay ay Kaynta kala soo baxeen hub isla markaana ay si qasab ah ku joojiyeen baabuurka.

Sidoo kale ilo deggaanka ah ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in dableydu ay jir-dil u geysteen dadkii ay afduubteen, waxaanay maalin ka bacdi sii daayeen labo oday. Inkastoo 8-dii qof ee kale ilaa haatan aan laga war hayn xaalkooda iyo halka ay ku sugan yihiin toona.

Dadka deggaanka ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegay in ay soo wajahday cabsi xooggan iyo caga jugleyn aad u daran, waxaanay sheegeen inay ka rajo-dhigeen jawaab la’aanta maamulka Xabashida ee fadhigiisu yahay Addis Ababa.

Falalka caynkan ah ayaa marar badan kusoo laalaabtay deggaannadaasi, iyadoo galbeedka gobolka Oromadana uu ka holcayo dagaallo ba’an oo u dhaxeeya jabhadda xoraynta Oromada ee (OLA) iyo ciidanka dawladda Xabashida Itoobiya.

Kooxaha hubeysan oo dadka deegaanku ay sheegeen inay ka tirsan yihiin jabhadda FANO, ayaa halis amni ku haya deggaannadaasi, taasoo sababtay in si isdaba joog ah ay u dhacaan falal rabshado ah iyo wax-yeello gaarta dadka shacabka ah.

FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:



Related Items

Update cookies preferences