Waxa loogu yeero Jerusalem Center for Security and Foreign Affairs oo ah machad cilmi-baariseed oo Yahuuddu ay leedahay isla markaana diiradda saara, kuna takhasusay amniga iyo siyaasadd arrimaha dibadda ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in kooxda Villa Somaliya looga adkaaday dagaalkii ay kula jirtay jihaadiyiinta Al-Shabaab.
Machadkan oo magaciisa loo soo gaabiyo JCFA lana aasaasay1976-kii, ayaa xusay in dagaalyahannada Al-Shabaab ay haatan qarka u saaran yihiin in gebi ahaanba ay la wareegaan dalka Soomaaliya. Isla markaana usbuucyada soo aaddan la filan karo isbadal guud uu ku yimaada talada maamulka ee wadankaasi.
Daraasaddan ay Yahuuddu soo saartay ayaa lagu sheegay in marka ay xoogagga Al-Shabaab la wareegaan guud ahaan Soomaaliya, sidoo kalena miraha jihaadka Soomaaliya uu saamayn doono dalal fara badan oo Afrikaana lagana hir-gelin doono ku-dhaqanka shareecada Islaamka.
Machadka Sahaayuuniyada ee JCFA waxa uu ka dayriyey sida uu noqon doono xaalka dowladda Itoobiya, waxaanu tilmaamay in ay wajihi doonto khatar weyn, haddii Xarakada Al-Shabaab ay kusii luga fidsato wadamada dhaca gobolka.
Warbixintan ay Yahuuddu soo saartay ayaa dalalka shisheeye, gaar ahaan reer-galbeedka kula talisay in ay barbar istaagaan Itoobiya, kana taageeraan dhinaca dhaqaalaha iyo weliba ciidanka oo ay ku boorisay in si weyn loo qalabeeyo, maadaama maamulka Addis Ababa uu yahay wakiilka Yahuudda ee bariga Afrika
Sidoo kale daraasaddu, waxay talooyin u soo jeedisay maamulka Sahaayuuniyada oo ay ugu baaqday in taageero dhinaca sirdoonka ah ay siiso Itoobiya, taasoo qayb ka ah ayay tiri isbahaysiga istaraatiijayadeed ee Addis Ababa, Talaviv iyo Washington.
FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:
Telegram: https://t.me/+RVmGomVe9UA3ZWZk
Telegram: https://t.me/+OkgTBd09JWRmYTk8