Waaxda arrimaha dibadda ee dawladda Maraykanka ayaa mar kale ku celisay werwer dhinaca amniga ah oo la xiriira muwaadiniinteeda isaga kala goosha dalalka adduunka, iyadoo uga digtay in aanay u safrin 21 waddan oo uu ku jiro dalka Soomaaliya, sida ay tebisay warbaahinta Maraykanku.
Digniintan ayaa soo baxday kadib markii Maraykanku uu walaac hor leh ka muujiyey hawl-gallada jihaadiga ah ee kusii xoogaysanaya dalalka muslimiinta iyo weliba qolqolatooyinka amni ee ka jira dalalka qaar.
La-talinta Heerka 4-aad ee ah "Ha safrin" oo digniintani ay kusoo baxday ayaa ah digniinta ugu sareysa uguna daran ee ay bixiso Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka marka ay qiimeynayaan khatarta ku xeeran safarka waddan ama gobol gaar ah.
Dalalka looga digay in muwaadiniinta Amerikaanka ah aanay u safrin waxay u badan yihiin waddamada muslimiinta sida Yemen, Afganistan, Suuriya, Ciraaq, Suudaan, Liibiya, Maali iyo Burkino Faso. Waxa kaloo ka mida Ruushka, Kuuriyada Waqooyi, Yukreyn iyo Congo.
Sidoo kale waddamadaasi Maraykanku uu muwaadiniintiisa uga digay, waxaa ka mida dalka Soomaaliya oo haatan ay si dardar leh uga howlgalayaan jihaadiyiinta Al-Shabaab iyagoo ku talaabsanaya horumarro balaaran.
Digniintan ayaa kusoo aadaysa xilli guud ahaan dalalka caalamku ay si weyn uga qaylo-dhaaminayaan taqadumka baaxadda leh ee ay ku socdaan dagaalyahannada Al-Shabaab, iyagoo haatan kaabiga ku haya caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:
Telegram:https://t.me/+RVmGomVe9UA3ZWZk
Telegram:https://t.me/+OkgTBd09JWRmYTk8