Degmada Ceel Afweyn ee ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa lagu heshiisiiyey laba beelood oo dirirtoodu socotey in ka badan 10sano kuwaas oo dagaalkoodu salka ku hayey aanooyin raagey.
Dagaalladan ayaa xukuumadihii kala dambeeyay ee maamulka Somaliland isku dayeen in ay xalliyaan balse aanay ku guuleysan.
Dadka qaar ayaa siyaasiyiinta qaar ku eedeyn jirey in ay dagaalka u joojin waayeen sababo la xiriira doorashooyinka, taas oo keenaysa haddii beeluhu colloobaan in aaney cod kala heli karin.
Culimada ugu caansan Gobollada Waqooyi ee Somaliland oo marar galey heshiisiinta beelahan ayaan ku guuleysan.
Madaxweyne Xigeenka Somaliland ayaa sheegay in ay ka uruuriyeen beelahan hubkii ay isu haysteen isla markaana gacanta isu saareen si nabadi u dhalato.
Degmada Ceel Afweyn oo kamida degmooyinka waaweyn ee gobolka waxa ay ahayd meel lagu kala guurey oo aan nabadi ka jirin muddo dheer taas oo saamaysay ganacsiga iyo isu socodkaba.
Beelaha ayaa midkasta lagu xukumay in ay bixiso diyooyinka ku soo beegmay si nabaddu u hano qaaddo. Maamulka Somaliland, madax dhaqameedyo uu kamid ahaa Buurmadow ayaa goobta joogay.