Xildhibaan Dhaban Cad "Weli waxaan la-luudayaa dhaawacii igasoo gaaray qaraxii alshabaab".

Monday May 05, 2025 - 07:13:21
Liibaan Jeexoow
Xilli jihaadiyiinta Al Shabaab ay taqadum ballaaran ka sameynayaan furimaha dagaalka ayay saraakiil katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya waxay muujinayaan walaac iyo niyad jab.
Cabdisalaam Dhabancad oo katirsan xildhibaannada baarlamaanka DF-ka ayaa sheegay in xoogagga Al Shabaab ay dib uqabsadeen intabadan degmooyinkii iyo deegaannadii duullaanka ku qaadeen maleeshiyaadka dowladda sanadihii 2022-2023.

isagoo wareysi siinayay warbaahinta maxalliga ah ayuu ku cataabay in weerarada dagaalyahannada Al Shababaab ay yihiin kuwa qorshaysan oo ku socda istiraatiijiyad fadhida, wuxuu hadal qaaday weerar lagu beegsaday isaga iyo madaxweynaha maamulka Galmudug kaasi oo ka dhacay deegaanka Laas Gacameey bishii September ee sanaddii 2023.

Wuxuu sheegay in dhaawacii weerarkaas isaga kasoo gaaray uu illaa iyo hadda ladhibaataysan yahay dhaawacii soo gaaray "illaa iyo hadda waxaan laxanuunsanayaa dhaawacii igasoo gaaray weerarkii Al Shabaab nagusoo qaadeen,runtii dad badan ayaana ku dhintay kuna dhaawacmay weerarkaas qaraxa ah"ayuu yiri xildhibaan Dhabancad.

Sidoo kale wuxuu quus ka muujiyay in kooxda Xasan Gurguurte ay mujaahidiinta ka adkaato wuxuuna tusaale usoo qaatay taqadumka ballaaran oo ay dagaalyahannada Al Shababaab ka sameynayaan deegaanno kaabiga ku haya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Isagoo niyad jab muujinayay ayuu usoo jeediyay xukuumadda Villa Somalia in ay wadahadal lagasho Xarakada Al Shabaab, hadalkan kasoo yeeray xildhibaankan DF-ka katirsan ayaa banaanka soo dhigaya sida Xasan Sheekh iyo nidaamkiisa ay sedax sano kadib guuldarrooyin buura ah udhax muquuranayaan.

Related Items

Update cookies preferences