Qaraxan ayaa lala eegtay gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen maleeshiyaadka sirdoonka kooxda Villa Somaliya.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa tibaaxaya in ugu yaraan qaraxaasi ay ku naf-waayeen 3 askari oo ka tirsan maleeshiyaadkii la weeraray.
Sidoo kale qaraxan oo ahaa mid aad u culus ayaa geystay burbur xooggan oo soo gaaray gaarigii ay maleeshiyaadkani la socdeen.
Waxa kale oo jira qarax kale oo xoogagga Al-Shabaab ay ku beegsadeen maleeshiyaad ka tirsan kuwa Gurguurte oo ku sugnaa duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.
Wararka ayaa intaas ku daraya in hawl-galkaasi sidoo kale uu geystay dhimashada 1 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Villa Somaliya.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:
Telegram: https://t.me/+RVmGomVe9UA3ZWZk
Telegram: https://t.me/+OkgTBd09JWRmYTk8