FAAH-FAAHIN: Khasaaraha weerar kale oo lagu beegsaday ciidanka Kenya oo ka dhacay Lamu.

Saturday May 03, 2025 - 15:17:31
2415
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanaya dhulka muslimiinta ee ku hoos-jira gumaysiga Kenya ayaa sheegaya dagaal culus oo dagaalyahannada Al-Shabaab ay ku qaadeen ciidamada Kenya.
Dagaalkan ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa deggaannada Boodaay iyo Boorisa oo ka wada tirsan gobolka Lamu ee xoogga ay ku haysato dawladda Kenya.

Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in weerarkaasi ay ku dhinteen ugu yaraan 5 askari oo Kenyaan ah 8 kalena ay dhaawacmeen.

Masuuliyiin Kenyan ah oo u warramay warbaahinta Kenya ayaa qirtay khasaaraha dhimasho iyo dhaawac isugu jira ee soo gaaray askartooda.

Dhaawaca ayaa loo qaaday Nairobi, iyadoo 5 ka mid ah ay ahaayeen saraakiil ka tirsanayd ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dalkaasi, sida ay xaqiijisay warbaahinta Kenya.

Wesley Koech oo ah taliyaha booliska Lamu ayaa warbaahinta u sheegay hawl-galkani dhacay kadib markii iska hor-imaad dhex-maray dagaalyahannada Al-Shabaab iyo ciidanka Kenya.

Kipchumba Murkomen oo ah Wasiirka arrimaha gudaha Kenya, ayaa saraakiishii ku dhaawacantay weerarkaasi ku booqday cisbitaalka Nairobi, isagoo cambaareeyay weerarkaasi.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli xoogagga Al-Shabaab ay dardar geliyeen hawl-gallada aya ka wadaan dhulka muslimiinta ee ku hoos-jira gumaysiga Kenya.

Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:



Related Items

Update cookies preferences