43 askari oo lagu dilay Hiiraan + Hawl-gallo lagu khaarajiyey saraakiil iyo askar isugu jiray Kenyaan iyo Itoobiyaan.

Saturday May 03, 2025 - 06:23:05
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanaya dalka Soomaaliya ayaa sheegaya hawl-gallo kala duwan oo saacadihii lasoo dhaafay dagaalyahannada Al-Shabaab ay khasaare culus ku gaarsiiyeen ciidamada Xabashida Itoobiya, Kenya iyo maleeshiyaadka Gurguurte.
Gobolka Hiiraan, maalinnimadii shalay waxaa ka dhacay dagaallo si ba’an loogu jabiyey maleeshiyaadka kooxda Villa Somaliya oo ka kala dhacay degmada Moqori iyo deggaanka Tardo.

Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in dagaalladaasi lagu dilay ugu yaraan 13 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka Gurguurte, 30 kalena lagu dhaawacay.

Waxaanu helnay magacyada qaar ka mid ah maleeshiyaadkii lagu laayay laguna dhaawacay dagaalladan ka kala dhacay Moqokori, iyo Tardo oo kala ah:

Muumin Cabdulle Garweyne oo dhintay, Foodeey Xusseen Wariiq oo dhintay iyo Cali-Gaab guddoomiyihii deggaanka Tardo oo dhaawac ah.

Dagaalyahannada Al-Shabaab ee ka hawl-gala dhulka ku hoos-jira gumaysiga Kenya ayaa labo qarax la beegsaday Bar Kantarool oo ciidamada Kenya ay kaga sugnaayeen magaallada Mandheera ee gobolka Mandheera.

Xogta ayaa intaasi ku daraysa in ugu yaraan 6 askari oo  Kenyaan ah, kuwaas oo laba ay ahaayeen saraakiil Miino-baarayaal ah ay ku dhinteen weerarkaasi.

Sidoo kale hawl-galkan ay fuliyeen dagaalyahannada Al-Shabaab waxaa ku dhaawacmay 9 askari oo ka tirsan ciidamada Kenya.

Gobolka Bakool, waxaa isna ka dhacay hawl-gal qarax ah oo xoogagga Al-Shabaab ay la beegsadeen askarta Xabashida Itoobiya ee ku sugan degmada Waajid.

Wararkii u dambeeyey ee hawl-galkaasi laga helay ayaa tibaaxaya in ugu yaraan 1 askari oo Itoobiyaan ah uu ku dhintay qaraxaasi.

FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:


Related Items

Update cookies preferences