Aadan Madoobe oo dhoofay xilli xiisad culus ka taagan tahay fadhiyadii baarlamaanka DF Somaliya.

Thursday May 01, 2025 - 14:43:53
4397
Liibaan Jeexoow
Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta u ambabaxay Magaaladda Algiers ee Caasimadda wadanka Aljeeriya, halkaas oo la sheegay inuu kaga qeyb geli doono shirka Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Carabta oo maalmaha soo socda furmi doona.
Safarkan ayaa imanaya xilli buuq xoogani uu shalay ka dhacay xarunta baarlamaanka DF Soomaaliya, isla markaana Aadan Madoobe oo ah gudoomiyaha golahaasi uu soo saaray qaraar uu fadhiyada baarlamaanka kaga maamnuucay ilaa 20 xildhibaan.

Xildhibaanada uu saaray xanibaadda ayaa ahaa dhamaantood kuwa mucaaradka ku ah, madaxa kooxda Villa Somaliya, Xasan Gurguurte.

Aadan madoobe ayaa warqaddan uu soo saaray ku sheegay in aysan soo xaadiri karin fadhiyada golaha baarlamaanka, isagoo ugu gooddiyey in bannaanka loo saari doono haddii ay amarkaasi jabiyaan.

Labaatankan xildhibaan ayaa ka mid ahaa xildhibaanno shalay golaha ka dhex abuuray buuq iyo sawaxan, ka aloosmay golaha dhexdiisa.

Taalbadaan ayeey dad badani rumaysan yihiin in uu Aadan madoobe uga gol-leeyahay in uu ku fogeeyo xildhibaanada mucaaradka ah kuwaas oo waday mooshin isaga kadhan ah.

Inta badan todobaadkaan waxaa baaqday fadhiyada golaha baarlamaanka kadib cabsi xoogan oo soo foodsaartay xukumada Xasan Gurguurte iyo gudoonka golahaasi.

Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:


Related Items

Update cookies preferences