Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa weerar madaafiic ah oo maanta dagaalyahannada Al-Shabaab ay ku beegsadeen xarunta Xalane oo ah taliska ugu weyn ee ay deggen yihiin shisheeyaha isku soo bahaystay duullaanka Soomaaliya.
Warar horu-dhac ah oo soo baxay ayaa sheegaya in hawl-galkaasi uu khasaare culus gaarsiiyey shisheeyihii xeradaasi ku sugnaa. Waxaanay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay xubno caddaan ah oo isugu jira Amerikan iyo Talyaani.
Goobaha sida gaarka ah loo beegsaday ayaa la sheegay inay ka mid ahayd xarunta u gaarka ah hawl-gallada Maraykanka, oo weliba xilligaasi uu ka socday shir u dhexeeyay saraakiil isugu jirta Ameerikaan, Turki iyo sidoo kale saraakiil kale oo Caddaan ah.
Sidoo kale waxay jihaadiyiinta Al-Shabaab ay hawl-galkoodan ku beegsadeen goobta lagu baakimo diyaaradaha Drones-ka ah. Waxaanay wararku tibaaxayaan in uu jiro burbur xooggan oo soo gaaray goobtaasi.
Safaaradda Talyaaniga ee ka dhex furan xerada Xalane iyo xarunta maleeshiyaadka Alfa Group ee ilaaliya safaaradda Maraykanka ee Xalane ayaa sidoo ka mid ahaa goobihii sida gaarka ah ay jihaadiyiintu u bar-tilmaameedsadeen.
Hawl-galkan oo dagaalyahannada Al-Shabaab ay fuliyeen waaberigii saaka ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen ugu yaraan 3 xubnood oo Amerikaan ah, halka dhaawacana lagu sheegay inay gaarayaan 7 kale oo Amerikaan ah iyo 6 Talyaaniya.
Mid ka mida dhaawacyada Talyaaniga ayay wararku tibaaxayaan inuu garaab yahay, iyadoo xogtu tilmaamayso in khasaaraha ka dhashay hawl-galkan lagu beegsaday xerada Xalane uu aad uga badan yahay intan lasoo sheegay.
Warbaahinta ku hadasha afka xarakada Al-Shabaab ayaa ballanqaadday in wakhtiyada soo aaddan ay soo gudbin doonaan tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi lagu beegsaday xarunta shisheeyaha.