Ugu yaraan 68 tahriibayaal ah ayaa lagu dilay duqeymo dhanka cirka ah oo ay ciidamada Mareykanka ka fuliyeen xero qoxooti oo ku taalla gobolka Sacda ee waqooyiga dalka Yemen, sida ay baahiyeen warbaahinta dalkaas.
Xarunta la beegsaday ayaa la sheegay in ay ku xareysnaayeen ku dhawaad 100 qof oo u badan tahriibayaal kasoo jeeda Itoobiya iyo dalal kale oo Afrikaan ah, kuwaas oo marayey Yemen iyagoo doonayey inay uga sii gudbaan dalka Sacuudi Carabiya.
Warbaahinta Al Masirah ee dalka yemeen ayaa dhinaca kale sheegtay in 8 qof, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, lagu dilay weerar kale oo ka dhacay xaafadda Thaqban ee degmada Banil-Harith ee waqooyiga magaalada Sanca.
Duqeymahan oo sida la sheegayo dhacay habeenimadii Axadda, ayaa waxaa kaloo jira warar kale oo tibaaxaya in Mareykanku uu duqeyn ka fuliyey gobollada Cimraan iyo Sacda.
Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka ee loo yaqaan (CENTCOM) ayaa xaqiijiyay inay fuliyeen in ka badan 800 weerar oo ka dhan ah bartilmaameedyo ku yaalla Yemen tan iyo bartamihii bishii Maarso, hase yeeshee ma bixin faahfaahin ku saabsan weerarradii ugu dambeeyay.
Ilaa hadda, in ka badan 250 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerarrada Mareykanka uu ka wado dalka Yemen, sida ay sheegayaan ilo madax bannaan oo la hadlay warbaahinta dalkaas.
Weerarrada Mareykanka ayaa imanaya xilli xiisadda gobolka ay sare u kacday, iyadoo Xuutiyiintu ay hore uga digeen duqeymo kale oo lagu qaado Yemen.
Dhacdooyinka noocan ah ayaa sidoo kale xusuusinaya weerarkii sannadkii 2022 ee ay ciidamada Sacuudigu ku qaadeen xarun lagu haayo tahriibyaasha oo Sacda ku taalla, halkaas oo 66 qof lagu dilay, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay.
FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir: