FAAH-FAAHIN: Khasaaraha weerarro maanta lagu beegsaday ciidamada Shisheeye iyo maleeshiyaadka Gurguurte.

Monday April 28, 2025 - 12:28:46
Liibaan Jeexoow
Hawl-gallo kala duwan oo ay fuliyeen dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa maanta ka dhacay gobollada Banaadir, Shabeellaha dhexe, Gedo, Bakool iyo Baay.
Waaberigii saaka dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa weerar madaafiic ah ku beegsaday xerada Xalane oo ah taliska ugu weyn ee ay deggen yihiin shisheeyaha kusoo duullay dalka Soomaaliya.

Xogta ayaa tibaaxaysa in madaafiicdu ay ku hoobteen gudaha xerada Xalane, balse weli lama helin faahfaahin dheeriya oo tilmaamaysa xaddiga khasaaraha weerarkaasi.

Sidoo kale xoogagga Al-Shabaab waxay saaka weerar ka fuliyeen deggaaan lagu magacaabo "Geed-caglow” oo 8KM, u jira magaallada Jowhar ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in hawl-galkaasi lagu khaarajiyey ugu yaraan 1 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadkii Gurguurte ee ku sugnaa deggaankaasi.

Hawl-galkan ayaa lagu soo warramayaa inuu u dhacay sidii loogu talo-galay, waxaanay dagaalyahannada Al-Shabaab kusoo furteen Qori, Boosh iyo Mooto-bajaaj.

Gobolka Gedo, waxaa ka dhacay maanta oo Isniin ah, weerar qorshaysan oo ajasha lagu dhaafiyey askari ka tirsan maleeshiyaadka DF Somaliya.

Hawl-galkan oo si gaar ah uga dhacay degmada Balad Xaawo ayaanu soo helnay magaca askariga la dilay oo lagu sheegay Indho-buur Axmed Diiriye iyo weliba sawirkiisa.

Gobolka Bakool, waxaa sidoo kale ka dhacay weerar qarax ah oo dagaalyahannada Al-Shabaab ay maanta ka fuliyeen gudaha deggaanka Yeed.

Qaraxan ayaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay bar-kulan ay ku shirayeen saraakiil ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ee deggaankaasi.

Gobolka Baay, waxaa isna ka dhacay dagaal culus oo xoogagga Al-Shabaab ay ku qaadeen xerada ciidanka Xabashida Itoobiye ee degmada Diinsoor.

FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:


Related Items

Update cookies preferences