Gurguurte oo taliyaha ilaaladiis gaarka ah u magacaabay wiil uu dhalay kadib markii cabsi xooggani lasoo deristay.

Sunday April 27, 2025 - 12:51:44
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanay magaallada Muqdisho ayaa sheegaya cabsi xooggan oo soo food-saartay Xasan Gurguurte, kadib markii jihaadiyiinta Al-Shabaab ay kordhiyeen hawl-galladooda ka dhanka ah daba-dhilifyada Soomaaliya.
Gurguurte oo cabsidu ay ka tan badisay isla markaana naftiisii cid kale ku aamini waayay ayaa wiil uu dhalay oo magaciisa lagu sheegay C/Fataax Xasan uu u magacaabay taliyaha ilaaladiisa gaarka ah, sida ay tibaaxayaan ilo-wareedyo aanu helnay.

Warbaahin fadhigeedu yahay Nairobi oo la dhaho Nation Media ayaa waraysi ay dhawaan la yeelatay Gurguurte uu kaga warramay halisaha amni ee ku gedaaman noloshiisa tan iyo bilawgii muddo-xileedkiisii hore ee 2012.

"Al-Shabaab waxay sameeyeen lix isku day oo ay doonayeen inay igu dilaan tan iyo 2012-kii, markii iigu horreysay ee la ii doortay Madaxweynaha Soomaaliya…” ayuu Gurguurte u sheegay Wariye David Okwemba oo ka tirsan Nation Media.

Xasan Sheekh oo sii faahfaahinaya sida uu bar-tilmaameedka koowaad ugu yahay dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa yiri "Isku daygii koowaad wuxuu dhacay xitaa ka hor inta aanan u soo guurin madaxtooyada Villa Soomaaliya, waxaanu dilkaygu ahaa hadafkooda ugu weyn.”

Bishii lasoo dhaafay ee Maarso ayay ahayd markii Gurguurte uu sida dirqiga ah uga badbaaday hawl-gal qorshaysan oo la rabay in ajasha lagu dhaafiyo oo jihaadiyiinta Al-Shabaab ay ka fuliyeen afaafka hore ee madaxtooyada Villa Somaliya.

Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:


Related Items

Update cookies preferences